Dr Abdul Qadeer Khan: Aabbihii Nukliyeerka Pakistan Oo Maca-salaameeyey Dunnida

Pakistan (Aftahannews)-Saynisyahankii nukliyeerka ee Pakistan, Dr Abdul Qadeer Khan, ayaa maanta  geeriyooday, wuxuuna ahaa 85 sanno jir. Wasiirka Gaashaandhigga Pakistan Pervez Khattak ayaa bartiisa Twitter-ka ku soo qoray warka geerida saynisyahanka isla markaana geeridiisa ku tilmaamay inay murugo weyn u tahay Pakistan.

Khattak ayaa qoraalkiisa ku yiri: “Pakistan mar walba way xushmeyn doontaa shaqada uu Dr. Khan u qabtay dalka. Waddanka mar walba abaal buu Khan uga hayaa xoojinta awooddeeda difaaca.Sida laga soo xigtay Radio Pakistan, Dr Qadeer Khan ayaa la geeyay cusbitaal, kaddib markii ay xaaladdiisa caafimaad ka sii dartay.

Ra’iisul Wasaaraha Pakistan Imran Khan ayaa qoraal uu Twitter-ka soo dhigay sidoo kale ka tacsiyeeyay geerida Dr. Qadeer Khan.Qoraalkiisa, ayuu Imran Khan ku yidhi: “Geerida Dr Abdul Qadeer Khan waa mid aad murugo u leh. Dadka aad bey u jeclaayeen sababo la xidhiidha doorka muhiimka ah ee uu ku lahaa quwadda nukliyeerka Pakistan. Tan waxay Pakistan ka difaacday dalka deriska la ah ee nukliyeerka ku hubeysan. Wuxuu dadka Pakistan u ahaa dhiirrigeliye.

Wasiirka Warfaafinta Pakistan Chaudhry Fawad Hussain, ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay geerida Dr. Qadeer Khan. Qoraal uu soo dhigay Twitter-ka, ayuu Chaudhary Fawad Hussain ku yidhi, “Dalka oo dhan waxaa naxdin ku noqotay geerida Dr. Qadeer Khan. Waxa uu dalku u qabtay wax loo dhigo ma laha.

Waa kuma DR. Khan?

Dr Abdul Qadeer Khan wuxuu ku dhashay Bhopal, intii aysan Hindiya kala qeybsamin. Dr. Khan ayaa Pakistan la yimid dhammaan qoyskiisa, kaddib kala go’ii Hindiya. Dr Abdul Qadeer Khan ayaa maalmihii la soo dhaafay cusbitaalka lagula tacaalayay xaaladdiisa caafimaad.

Dr Khan waxaa sidoo kale lagu magacaabaa aabbaha barnaamijka nukliyeerka ee Pakistan. Toddobaadkii labaad ee bishii la soo dhafaay, wuxuu dowladda Imran Khan ku eedeeyay inay dayacday.Abdul Qadeer Khan, wuxuu udub dhexaad u ahaa fadeexaddii nukliyeerka adduunka ee sannadkii 2004.Waxaa lagu eedeeyay faafinta agabka nukliyeerka. Sidoo kale madaxii hore ee ciidamada Pakistan iyo Madaxweyne Pervez Musharraf, ayaa arrintaasi ku eedeeyay Khan.

Farriin muuqaal ah, ayuu Dr Khan ku qirtay inuu teknolojiyadda nukliyeerka ka iibiyay Iran, Kuuriyada Waqooyi iyo Libya.Balse markii dambe wuu ka laabtay. Sannadkii 2008, wuxuu Dr Khan wareysi uu siiyay wargeyska Britain ka soo baxa ee The Guardian ku sheegay in cadaadis uu uga imaanayay Madaxweyne Pervez Musharraf, taasina ay tahay sababta uu u codsaday inuu iibiyo.

Dr Khan ayaa sheegay in arrintaas aannu ka qiran maskaxdiisa, balse uu cadaadis saarnaa. Wareysiga, ayuu ku sheegay inuu sidoo kale diiday inuu u hoggaansamo baaritaanka Hay’adda Quwadda Atoomikada Adduunka.Dr. Qadeer Khan ayaa yidhi: “Maxaan ula hadlayaa? Ima quseyso. Ma aynaan saxeexin heshiiska nukliyeerka. Meel ugama dhicin shuruucda caalamiga ah.