Mohamed bin Salman Oo Doortay Tababaraha Cusub Ee Hoggaaminaya Newcastle

Kooxda kubadda cagta Newcastle United ayaa sidii aanu horeba idiinku soo gudbinay waxay go’aansaday inay shaqada ka caydhiso tababare Steve Bruce oo noqonaya macallinkii labaad ee laga caydhiyo horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan socda.

Newcastle United oo Khamiistii ay iibsadeen qoyska Boqortooyada Sucuudi Carabiya, waxay doonaysaa tababare khabiir ah oo dibu-dhis ku sameeya kooxda, isla markaana si caqli iyo xikmad ku dheehan tahay u isticmaala lacago boqollaal milyan oo Gini ah oo loo dhiibayo si uu ugu soo iibsado ciyaartooyo cusub.

Dibu-dhiska kooxdan ayaa la fahamsan yahay inay u baahan tahay tababare wanaagsan oo soo jiidan kara ciyaaryahannada ugu wanaagsan adduunka isaga oo isticmaalaya haybaddiisa tababarenimo iyo lacagta uu haysto, kuwaas oo la sheegay in Steve Bruce aanu lahayn.

Ciyaarta Tottenham ee toddobaadka dambe, waxa Newcastle United hoggaamin doona Graeme Jones oo ah tababare ku-xigeenka waqtigan, kaas oo ku simi doona macallinka cusub ee lasoo magacaabayo.

Tiro tababareyaal ah ayay warbaahinta Ingiriisku soo bandhigayeen toddobaadkan, waxaana ka  mid ah ragga magacyadooda lasoo taxay Jose Mourinho, Zinedine Zidane, Rafa Benitez, Frank Lampard iyo Antonio Conte.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa haddana maanta sii kala saartay tababareyaashan, waxaanay sheegeen in dhaxal-sugaha Sucuudiga ee Mohamed bin Salman uu qalinka ku duugay midka uu doonayo in kooxda uu hoggaamiyo, masuulna ka noqdo dibu-dhiska iyo keenista ciyaartoyda cusub.

Prince Mohamed waxa uu doortay tababaraha Talyaaniga ah ee Antonio Conte oo shaqo la’aan ahaa tan iyo xagaagii oo si lama filaan ah ay Inter Milan uga caydhisay shaqada isaga oo u qaaday horyaalka Serie A.

Antonio Conte ayaa ah khabiir aqoon u leh horyaalka Premier League oo sannadkii 2017 kula guuleystay Chelsea, halka uu horyaalka Talyaanigana dhawr koob u qaaday Juventus ka hor intii aanu Inter Milan sannadkan ku hoggaamin. Sidoo kale, waxa uu muddo soo layliyey xulka qaranka Talyaaniga.

Waxa kale oo Newcastle United ay magacaabi doontaa agaasimaha ciyaaraha ah oo dhawr qof ay u kala dooranayaan, laakiin maalmaha soo socda si rasmi ah loo shaacin doono.