AMISOM oo shaacisay baadhitaan ay ku samaynayso qarax khasaare badan dhaliyey oo ka dhacay Baydhabo

Muqdisho(Aftahannws):- Taliska Ciidammada Midawga Afrika (AMISOM), ayaa maanta shaaca ka qaaday inay baaritaanno ku samaynayso qarax toddobaadkan ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, kaasoo sababay khasaare dhimasho, dhaawac iyo burbur hanitiyeed isugu jira.

Amisom1

Afhayeenka ciidamada AMISOM, Col. Cali Aadan Xumad oo shir jaraa’id qabtay ayaa kaga warbixiyay arrimo badan oo ay ka mid yihiin dagaalka lagula jiro Al-shabaab iyo xaaladaha kale ee dalka, isagoo si adag u cambaareeyay qaraxii is-miidaaminta ahaa ee Baydhabo ka dhacay.

Col. Xumad ayaa tilmaamay in weerarkii Baydhabo uu muujinayo sida kooxda Al-shabaab ay cadow ugu yihiin shacabka Soomaaliyeed; isagoo xusay inay jiraan baaritaanno ku sameynayaan qaraxaas ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ee Baydhabo ku sugan.

“Weerarkaas wuxuu ahaa mid aad u fool xun, waana ka xunnahay, waxaana tacsi u diraynaa ehellada dadkii ku dhintay, runtiina waxaa socda baaritaanno ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladdu ku sameynayaan qaraxaas,” ayuu Col. Xumad shirkiisa jaraa’id ku sheegay.

Sidoo kale, afhayeenka AMISOM ayaa sheegay sheegay in ciidamada AMISOM ay mas’uuliyad ka saaran tahay nabadeynta Soomaaliya iyo la dagaallanka kooxaha kasoo horjeeda dowladda, isla markaana ay sii wadi doonaan howgallada ay ku baacsanayaan Al-shabaab illaa laga saaro dalka sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Col. Xumad ayaa kusoo beegmaya iyadoo weerar loo adeegsaday gaari laga so buuxiyay waxyaabaha qarxa lagula beegsaday Baydhabo guddoomiyihii hore ee gobolka Bay kana mid ah wasiirrada maamulka Koonfur-galbeed ee lixda gobol ka kooban.

Qaraxaas ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 12-qof oo shacab iyo askar isugu jiray, iyadoo ay ku dhaawacmeen 25-qof oo qaarkood Muqdisho loo soo qaaday si loogu daweeyo, waxaana mas’uuliyadda weerarkaas sheegatay Al-shabaab.

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaliya/Office.