Waa Tallaabo uu Dal Kastaaba Qaadi lahaa: Faallo: Xuseen Cali Nuur

Filed under: Aragtida Bulshada |
Waxa dhaqan noo ah in aanu u qaadanno in xilka Qaranku saaran yahay madaxda iyo masuuliyiinta oo kaliya. Waa dhab in masuuliyadda ugu weyni saaran tahay madaxda, waana sababta loo doortay, waxaana waajib ah in lala xisaabtamo.
Xilka Qaranku masuuliyiinta oo kaliya ma saarna, balse wuxuu saaran yahay qof kasta oo muwaadin ah, waxaanna caddayn innoogu filan odhaahda qiimaha weyn leh ee dhaqankeenna oo ah “Qof kastaa waa masuul, waxaanu ka masuul yahay xilka saaran.”
Qof kasta oo muwaadin ah xilka sida gaarka ah u saaran waxa ka mid ah; inuu u heellanaado danaha guud ee dalka. Danahaa oo ay ka mid yihiin jacaylka dalka, difaaca dalka, horumarka dalka iyo inuu diyaar u ahaado inuu naf iyo maalba u huro sidii uu u difaaci lahaa Qaranimadiisa.
Muwaadin kasta oo reer Somaliland nooc kasta oo xil ah oo uu hayo sida mid shakhsiyadeed, qoys, bulsho ama Qaran, waxa loo baahan yahay inuu ogaado, had iyo jeerna maanka ku hayo in xornimo Sharaf, karaamo, xurmo iyo cisi uu ku hayso, kana heli karo dalkiisa Hooyo ee uu u dhashay.
Muwaadin walba masuuliyad kasta oo uu hayo, hanti kasta oo uu leeyahay, heer kasta oo nololeed oo u uu ku nool yahay waxaa waajibaadka saaran ka mid ah ilaalinta iyo ku dhaqanka sharciga iyo danaha guud ee dalka Jamhuuriyadda Somaliland.
Isku xidhnaanta iyo wada-shaqeyntuna waxtarka iyo faa’iidada ay leedahay maaha maanta mid ka qarsoon qof kasta oo Somalilander ah meel kastaba dunida ha ka joogee. Waa arrin hore inoo soo martay.
Toddobaadyadan u dambeeyey Gobollada dalka badankooda, waxa si weyn u muuqday wada shaqeyn lagu diirsado. Bilayska iyo Ciidanka Qaranku waxay gacan ka heleen shacbiga dagaalka lagula jiro Maandooriyaha Xashiishada iyo Khamriga. Mukhaadaraadka xaddigooda marka la eego, waxa ka muuqata in dagaal qarsoon iyo mid dhaqaale dalka lagu hayo. Waxaana loo baahan yahay in kor loo qaado wada-shaqeynta.
Jamhuuriyadda Somaliland waa dal u gaar ah shacbiga Somaliland, kamana duwana dalalka kale ee adduunka ee awoodda u leh inay danaha dalkooda, nabadgelyadiisa iyo xasiloonidiisa ka shaqeeyaan. Inkastoo la soo noqoshadii xornimo aqoonsigeeda wali la is-diid siinayo Somaliland maaha dal aanay ciddi lahayn oo ciddii doonaysaa waxay doonayso ku samayn karto.
Sababaha dib u celinta dadka Soomaaliya u dhashay ee ku noolaa Laascaanood waa mid la xidhiidha nabadgelyada, xasiloonida iyo ilaalinta daryeelka shacbigeenna. Waa tallaabo badbaado oo ay Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland iyadoo la kaashanaysa dadka gobolkaas ku nool qaaday. Waxaanay muujinaysaa bisaylka muwaadiniinta iyo gudashada xilka ka saaran dalka iyo shacbigaba.
Waxaan leeyahay waa tallaabo dal kasta oo xor ahi qaadi lahaa. Waxaanay arrintani la mid tahay “QUDHAANJOOY KU QUUSO”
Waxa qoray Xuseen Cali Nuur, Hargeysa, Somaliland.

You must be logged in to post a comment Login