PSG Oo Xidhiidhadda FIFA Iyo UEFA Ka Dalbatay In La Ganaaxo Madrid

Hargeysa, (Aftahannews)- Kooxda kubadda cagta PSG ayaa ka dalbatay xidhiidhada kubadda cagta Yurub iyo midka adduunka, in la ciqaabo Real Madrid oo ay ku eedeeyeen inay meel kaga dhacayso qawaaniinta kubadda cagta, sidoo kalena ay ka baxday xandaabka  ixtiraamka.

Agaasimaha kubadda cagta PSG oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Real Madrid ay si xushmad darro ah u sii waddo xidhiidh ay la samaynayso Kylian Mbappe, aynna tahay in ganaax lagu ridayo.

Kylian Mbappe ayay Real Madrid dhawr dalab oo midkii ugu qaalisanaa uu gaadhayay 200 milyan oo Euro ka gudbisay xagaagii bishii August laakiin PSG ayaa iska diidday inay aqbasho“Madrid way dafireen laakiin waxaynu ognahay inay muddo dheer ka shaqaynayeen sidii ay bilaash ugula wareegi lahaayeen Kylian Mbappe.” Ayuu yidhi Leonardo oo ka hadlayay xafladda Festivo dello Sport oo magaalada Milan lagu qabtay.“Laba sannadood ayay si caam ah ula hadlayeen Mbappe. Waa waajib in arrintan lagu ciqaabo.” Ayuu ku daray.

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu Leonardo yidhi: “Real Madrid waxa aan ka arkay ixtiraam darro ay u muujinayaan Mbappe. Isagu ma aha ciyaartoy caadi a h, waa mid ka mid ah ciyaaryahannada ugu wanaagsan adduunka“Tababaraha, boodhka iyo ciyaartoyda Madrid intuba way ka hadleen Kylian. Waa qayb ka mid ah qorshahooda, waana ixtiraam-darro.”

Kylian Mbappe oo uu heshiiskiisa PSG ku egyahay bisha June ee sannadka dambe, waxa uu xor u noqonayaa inuu la hadlo oo uu heshiis hordhac ah lasii gaadho kooxda uu doono marka la gaadho bisha January, laakiin Leonardo waxa uu wali rajaynayaa inay laacibkan sii haysan doonaan oo uu qandaraas cusub saxeexi doono.

“Fikradayadu waa in aanu qandaraaska u dheerayno Kylian Mbappe. Wali waxba iskama beddelin qorsheyaashayada. Kylian waa dahab, waxaanu ku habboon yahay PSG. Waxa aanu haysanaa Kylian, Leo iyo Neymar, waligayo maanaan qorshaynin mustaqbalka PSG oo uu ka maqan yahay Mbappe.”