“Dawladnimadu Dadka Ma Qaxiso, Dad Taajirin Ahna Faqiir Kama Dhigto”

Hargeysa, (Aftahannews)- Xildhibaan Maxamed Abiib oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay, tarxiilka ay xukuumada Somaliland gobolka Sool kaga saaraysa dadka aan u dhalan Somaliland.

Xildhibaanka ayaa sheegay in anay ahayn dhaqanka dowladnimada in dad 30 sanno meel daganaa oo ganacsi iyo hantiba ku yeeshay la barakiciyo.

“Qadiyad xun baa ka dhacday meesha Laascaanood la yidhaahdo, dad walaalo ah, oo muslimiin ah oo soo magangalay halkan Somaliland, in la kala qaado hooyo iyo ilmaheedii, qoys iyo hantidii, oo 30 sannadood haystay, meel ay dowladnimada ka soo gasho anuu ma garanayo, dowladnimadu dadka ma qixiso, dad taajiriin ahaa caydh kama dhigto” ayuu yidhi Xildhibaan Maxammed Abiib.