Gudoomiye Faysal Cali Waraabe Muxuu Ka Yidhi Cidda Lagu Tilmaami Karro Inuu Muwaadin Yahay?

Hargeysa, (Aftahannews)- Guddoomiyaha xisbiga UCID ee Somaliland Faysal Cali Waraabe, ayaa siyaasiyiinta reer Muqdisho ku eedeeyay in raafka Laascaanood ay ka dhigteen barnaamij ay kursiga ku gaadhaan, waxaanu sheegay in dadkii 1960 iyo ka hor Somaliland dagaana kaliya ay muwaadiniin yihiin.

“Dagaal baa laynagu soo qaaday inagu lixdankii dalbaynu ahayn, oo ictiraaf ayaynu helnay, waynu la ambanay, waan la soo noqonay, Distoorka Somaliland wuxuu leeyahay muwaadiniinta Somaliland waa dadkii lixdankii iyo wixii ka horreeyay daganaa, horta, Walawayntu taa ha ogaato, in aanay lixdankii iyo intii ka horaysay aanay daganayn ha ogaadaan” ayuu yidhi Faysal.