Waalidiin Fal-damiyeed Ku Mutaysatay Waxbarasho Caruurtoodda U Raadinayeen

Hargeysa, (Aftahannews)-Waalidiin maalqabeen ah ayaa lagu helay dambi ah inay lacago laaluush ah siiyeen jaamacad ku taalla dalka Mareykanka si carruurtooda loogu ogolaado inay ku biiraan halkaas.Waxaana carruurta la geeyay jaamacadda iyadoo laga been sheegay heerka waxbarashadooda ama natiijada ay ka keeneen dugsiga sare.

Garsoore ku sugan magaalada Boston ee Mareykanka ayaa Jimcihii Gamal Aziz iyo John Wilson ku helay dambi ku saabsan bixinta lacago laaluush ah iyo dacwado la xidhiidha musuq maasuq.Waxaana lagu wadaa in bisha February ee sannadkan nagu soo aadan lagu rido xukunka, waxay wajahi karaan 20 sanno oo xadhig ah.

In ka badan 50 waaliddiin ah, macalimiin iyo maamulayaasha iskuulada ayaa wajahaya dacwado la xidhiidha fadeexaddan.Garsoorayaasha ayaa Gamal Aziz ku eedeeyay in sannadkii 2018 uu laaluush ahaan u bixiyay $300,000 doolar si gabadhiisa ay u qaabisho jaamacadda Southern California (USC).

Waxaana gabadha loo ogolaaday jaamacadda si loogu tababaro ciyaarta kubadda koleyga isla markaana ay u noqoto ciyaartooy heer sare ah inkasta oo markii hore ay ku dhacday imtixaamkii dugsiga sare ee kubadda koleyga.

Wilson waxaa lagu helay dambi ah inuu laaluush ku bixiyay $220,000 sannadkii 2014-kii si wiilkiisa loogu ogolaado in uu ku biiro jaamacadda Southern California (USC) gaar ahaan kuliyadda lagu barto ciyaarta dabaasha.

Saraakiisha waxay sheegeen in wiilkiisa uu soo bandhigay ciyaarta balse uusan helin tabbabar ku filan.

Wuxuu sidoo kale bixiyay lacag laaluush ah oo gaadheyso $1.5m doolar si laba gabadhood oo mataana ahaa uu dhalay loogu ogolaado inay ku biiraan jaamacadaha kala ah Stanford iyo Harvard.

Labadan nin waxay ku doodeen in uu khiyaanay nin lagu magacaabo William Singer, oo ay saraakiisha sheegeen in uu ahaa maskaxdii hageysay qorshahan.

Waxay sidoo kale ku doodeen in aysan ogeyn in lacagta la siiyay William Singer loo adeegsan doono qaab laaluush ah.

William Singer, oo ilaa iyo hadda aanan wax dacwad ah lagu soo oogin ayaa la shaqeynaya saraakiisha, waxaana lagu eedeeyay in waalidiinta uu u sheegay in carruurta loo ogolaan karo in jaamacadda ay ku soo biiri karaan iyadoo waddado kale la soo marayo.

Gamal Aziz iyo John Wilson ayaa lagu wadaa inay racfaan ka qaataan go’aanka maxkamadda.