Abaalmarin Ganacsiyeed Oo Lagu Maamuusay Somali Madow Ingiriis Ah

Hargeysa, (Aftahannews)-Abaalmarin lagu maamuuso haldoorka ganacsatada madow ee British-ka ah ayaa sannadkan waxaa ku guulaystay Jamal Muxumed Tahliil iyo Edgar Chibaka oo sannado badan ka hor ku shirkoobay shirkad ka shaqeysa ammaanka.

Shirkadda oo lagu magacaabo First Response Group oo la aasaasay sannadkii 2007 ayaa sannado gudahood guulo muhiim ah ku gaadhay, waxaana hadda ka shaqeeya in ka badan 500 oo qof.

Abaalmarinta oo lagu magacaabo Black British Business Awards ayaa lagu maamuusaa guulaha ay gaadhaan ganacsatada iyo madaxda shirkadaha ee madowga ah.

Jamal Muxumed Tahliil oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in sababta ay shirkaddiisa ugu muteysatay abaal marinta ay tahay in iyaga oo soo galooti ku ah dalkaas oo aanan waxba heysan ay aasaaska shirkadda ka soo bilaabeen meel eber ah“Waxaan ku bilownay maqaayad dusheeda, hal laptop, laga soo bilaabo eber ilaa 34 milyan oo doollar sanadkii, aan shaqaaleysiinno ilaa 500 oo qof, khibradna aan u leennahay ammaanka, oo aan la shaqeyno shirkada waaweyn ee adduunka,” ayuu yidhi Jamaal.Jamaal iyo saaxiibkiis ayaa sanadkii 2007 ka soo qaxay Bariga Afrika iyagoo soo galay UK, isla markaana bilaabay inay aasaasaan shirkaddan.

Bishii July sannadkan 2021, waxay sheegeen in dhaqaalaha shirkaddooda ka soo xarooday uu gaadhayo £25 milyan.Jamaal ayaa sheegay in markii ay shirkaddan aasaasayeen uu ujeedkooda ugu weyn ahaa inay shaqo abuur u sameeyaa soo galootiga Britain ku nool iyo sidoo kale dadka dalkaasi u dhashay.

“Shaqadu way adkeyd markii hore, Soomaalida amaba dadka soo galootiga ah waxaa la weydiin jiray 10 sano oo khibrad ah, balse hadda boqollaalka shirkaddeenna ka shaqeeya waxay isugu jiraan dadka dalka u dhashay iyo soo galooti. Mar walba cunsuriyad way iska jirtay oo waxaan nahay dad madow ah, balse Alle ayaa nala garab galay,” ayuu yidhi Jamaal.

Kaddib markii la shaaciyay inay abaal marinta ku guuleysteen ayaa Edgar oo ay Jamaal shirkadda isla aasaaseen wuxuu yiri: “Waxaanu ku faraxsannahay inaan guuleysannay aadna waxaan ugu mahdineynaa qoysaskeenna oo nagula dabaal degaya guusheenna. Waan ognahay in tani ay tahay bilowga safar cusub. Jamaal iyo aniga waan ognahay sida ay u adag tahay, caqabadaha jira iyo sida looga baxo.

“Waxaan dooneynaa inaan sheeko fiican u sheegno oo aan dadka kale dhiirrigelinno, maaddaama ay suurto gal tahay.”Jamaal ayaa ku dhiirrigelinaya soo galootiga inaysan niyad jebin oo ay hiigsadaan waxyaabaha ay doonayaan.“Waxaan rabaa inaan dhalinyarada Soomaaliyeed u sheego inaysan jirin waxa ka hor istaagi kara meel walba oo ay doonayaan inay garaan, Ilaahayna talo saartaan, aadna u shaqeystaan, waxna bartaan, waxna akhristaan, meelo badan waa lagaa cunsuriyeynayaa laakiin waa inaadan waxaas dheg u dhigin, oo ay waddadooda fuulaan, insha Allah Ilaahayna wuu gaadhsiiyey meeshii aanu rabnay , waxaan rajeynayaa in dhlainyaro badan oo Soomaaliyeed ay igu daydaan.” Ayuu yiri Jamaal.

Abaal marinta BBB Awards oo ay sannadkan ku tartamayeen 16 qof oo madax ka ah shirkado, ayaa waxaa la bilaabay sannadkii 2014.