Xukuumadda iyo Xiddigaha Geeska oo Iska Kaashanaya Xaflad Loogu Dabbaal-degayo Xuska 18-ka May

Hargeysa(Aftahannews):- Kooxda fannaaniinta Xiddigaha Geeska, ayaa isku diyaariyey sidii ay qayb weyn uga qaadan lahaayeen dabbaaldegga xuska sannad-guurada 23aad ee 18-ka May oo maalintii Somaliland madaxbannaanideeda kala soo noqotay Soomaaliya sannadkii 19991-kii.

kooxda fanka ee Xidigaha Geeska

Kooxda Xiddigaha Geeska oo ay ku bahoobeen fannaaniin da’yar oo kasbaday dhegaha Soomaalida dacallada dunideeda ku kala nool, ayaa sannadkan uga qaybgalaya xuska 18 May si ka qurux badan, kana heer sarraysa sidii sannadihii hore, waxaanay hudheelka Guleed ee magaalada Hargaysa ku qabanayaan bandhig-faneed Qaran oo ay ka qaybgalayaan dad lagu qiyaasay ilaa 5000 (shan kun) oo qof.

Bandhigaas oo ah mid si fiican loo agaasimay, la iskuna dubariday, laguma gelayo wax lacag ah, balse lagu geli doono kaadh casuumad ah, iyadoo dadka ka qaybgalaya ay si wadajir ah u casuumeen xukuumadda Somaliland iyo kooxda Xidigaha Geeska.

Maalmihii u dambeeyey waxa magaalada Hargeysa lagu arkay calaamado lagu xusayo 18-ka May oo ay ku sawiran yihiin kooxda fanka ee Xidigaha Geeska Afrika.

Guddoomiyaha Kooxda Xidigaha Geeska Abwaan Xasan Saleebaan Dhuxul (Laab-saalax), ayaa ka xog-warramay qaabka ay uga qaybgelayaan xuska 18 May ee sannadkan 2014, waxaanu yidhi; “Horta waxaannu ka mid nahay muwaaddiniinta u diyaargaroobaya, kana qaybqaadanaya xafladda 18 May, taasoo aad moodo in sannadkan loo xusayo si ka ballaadhan sidii loogu dabbaaldegay sannadihii hore.”

Annagu waxaannu hudheelka Guuleed ku qabanaynaa xaflad ay ka qaybgalayaa masuuliyiinta dawladda, gelayaasha qaranka iyo shacabka qaybihiisa kala duwan. Sidoo kale, subaxnimada haddii Rabbi qadaro fagaaraha khayriyada ee Gobolka Gabiley ayaannu dadka kala qaybgalaynaa,” ayuu yidhi abwaan Laab-saalax. Waxa kale oo uu sheegay inay xuska 18-ka May ugu talogaleen heeso cusub oo waddani ah.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.