Sudan oo dil ku xukuntay Gabadh Diinta Islaamka ka baxday

Khartum(Aftahannews):- Gabar 27 jir ah ayaa dil lagu xukumay kaddib markii lagu eedeeyay inay diinta Islaamka ka baxday oo ay guursaday nin haysta diinta Kiristaanka.

140515111838_sudan_court_304x171_afp_nocredit

Maryam Yaxya Ibrahim ayaa diidday inay ka soo noqoto diinta Kiristaanka inkasta oo la siiyay muddo saddex maalmood ah.

Xaakinka maxkamadda ayaa sheegay inuu daldalaad ku xukumay Maryam Yaxye Ibrahim.

Maryam waxaa lagu soo koriyay diinta Kiristaanka, balse dowladda ayaa sheegayso in asal ahaan ay qoyskeeda Muslin ahaayeen.

Xigasho BBCSomali.com.