Waxa la gaadhay xilligii Madaxweyne Siilaanyo kala dooran lahaa laba!

Falanqaynta Araweelonews.com “Hadda oo aan kula hadlayo waxaan jooga Boorama, waxa noo soo baxday in aan cuqdad la kala qabin wixii hore u dhacayna ay yihiin wax dadka ka sii dhamaanaya oo dadku in ay walaaloobaan ay fududahay, haddii waqti la tiriyona waa waqtiyar ayaan leeyahay”sidaa waxa yidhi Maxamed Xasan Xaad oo ka mid ahaa 45 Oday oo isugu jira saraakiil, Siyaasiyiin iyo Madaxdhaqameed kasoo jeeda Koonfurta Somalia oo todobadkii hore si lama filaan ah u yimi Somaliland.

SIILAANYO

Weedhahan waxa uu kaga jawaabay Maxamed Xasan Xaad waraysi uu siiyay Idaacada Al-Furqaan oo lagu tiriyo warbaahinta taageerta Al-shabaab, isagoo ka jawaabaya wuxuu ugu yeedhay weriyaha waraysanayay dareenka midnimo doonka ee uga soo baxay safarkooda iyo wixii ay kala kulmeen bulshada, taas oo xaqiiqdii ah mid uu kaga been sheegay dareenka bulshada Somaliland.

Socdaalka kooxda Odayaasha ah, waxa ka taagnaa su’aalo iyo doodo rayalcaamka bulshadu isaka weydiinayeen oo la xidhiihay ujeedada safarkooda iyo cidda ku casuuntay dalka, balse waxa ugu danbayntii soo baxay in kooxda Odayaasha ee Somalia u socdeen qorshe siyaasadeed qarsoon oo ay dabada ka riixayeen Qaramada Midoobay iyo Dawlada Turkiga, isla markaana ay heshiish ku ahaayeen Kooxda maamusha dawlada Somalia ee Xasan Sheekh Maxamuud ee wadaadada lagu magcaabo Daamul Jadiid iyo kooxda ay sida weyn isugu xidhan yihiin ee ku xeeran Madaxweyne Siilaanyo, kuwaas oo ah wadaadada awooda badan ee uu hormoodka u yahay Amiirka dhinaca Somaliland ee kooxdaa oo ah Wasiirka Madaxtooyadda Xirsi Cali Xaaji Xasan, kuwaas oo xoggaha iyo wararka la xidhidha mashruucan shegayaan in ay ku qaateen lacag dhawr milyan oo dollar ah.

Mashruucan oo loogu magac daray is dhexgalka bulshada, ayaa la xaqiijiyay inuu yahay mid ay ka danbayso siyaasad la doonayo in lagu manjaxaabiyo jiritaanka qaranimada iyo madaxbananida Somaliland sida uu ka dhawaajiyay Oday Xasan Xaad, isla markaana ay qaar kale oo ka mid ah Odayaasha ka yimi dhinaca Muqdisho tibaaxeen, ama kasoo baxday doodaha kulamadii ay la galeen Salaadiinta Somaliland, Axsaabta Mucaaradka iyo bulshada rayidka ah.

Waxayna xoggaha la xidhiidha sheegayaan in mashruucaa oo loo qorsheeyay inuu noqdo biriishka isku xidhaya siyaasada midno doonka ah ee ay rumaysan yihiin Daamul Jadiid iyo kooxda wadaadada ee ku xeeran Madaxweyne Siilaanyo oo ah kuwa ugu awooda badan xukuumadda Somaliland.

Dhawaaqyada faashilka ah ee kasoo baxay qorshaha qarsoonaa ee Odayaasha Muqdisho oo aanay xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo marnaba cadayn ujeedada socdaalkoooda, waxay si weyn wejigabax ugu yihiin siyaasada xukuumadda ee waajahnayd aqoonsi raadinta, taas oo aanay hadda wixii ka danbeeyay bulshadu rumaysanayn, balse waxa jira xoggo kale oo la xidhiidha socdaalka qorshaha faashilka ah ee Odayaasha oo sheegaya in mashruuca ay wadeen dhinaca Somaliland taageero ka haystay oo keliya kooxda wadaadada ah, isla markaana waxyaabo badan oo la xidhiidha siyaasada qorshohooda fashilmeen markii ay kulamo la qaateen madaxdhaqameedka Somaliland, taas oo Madaxweyne Siilaanyo ku baraarugay doodaha kasoo baxay kulamadooda iyo dhawaaqyada mucaaradka ee lagu iftiiminayay ujeedada socdaalkooda ee dhabta ah.

Sidaa awgeed waxa soo baxaya doodo dhinaca rayal caamka bulshada oo tilmaamaya in Madaxweyne Siilaanyo kala doorto laba arrimood oo haddii aanu raali ka ahayn qorshaha faashilka ah ee ay wadaan kooxda wadadaada ku xeeran ee la doonayo in lagu manjaxaabiyo jiritaanka iyo qaranimada Somaliland uu tallaabo ku haboon ka qaado iyo inuu u diyaar garoobo in ay Baarlamaanku waajibkiisa ka gutaan.

Falanqaynta Araweelonews.com