Suldaanka Guud Ee G/Sanaag Oo Iclaamiyey Shirweyne Ay Isgu Iman Donaan Beesha Warsangali

Badhan (Aftahan News) : Waxa lagu qabtay magaalada Badhan shir ay kasoo qayb galeen qaybaha kala duwan ee bulshada , shirkaas oo ujeedkiisu ahaa in lagu iclaamiyo shirweyne ay isugu yimaadaan beel waynta Warsangeli .

hqdefault

 Shirkan ayaa waxa iclaamiyey sida dhaqanku yahay Suldaanka Guud ee Beelaha Warsangeli Suldaan Siciid Suldaan C/salaam Suldaan Maxmuud waxana uu sheegay in shirkaasi uu dhici doono 15 Juun 2014 , madasha shirkan lagu qabanyaan ay tahay degmada  Xingalool ee gobolka sanaag . Suldaan siciid ayaa waxaa madasha iclaaminta ku weheliyeniyay cuqaasha iyo waxa garadka beesh warsangali oo ay ka mid yihiin  Islaan Xuseen Xaaji Cabdi , Wakiil Suldaan Axmed Bashiir ,Sh/C/qaadir Axmed Ismaaciil , Nabadoono , waxgarad kala duwan iyo dhallinyaro

Suldaanka guud ee beelaha warsangali ayaa mudooyinkii ug danbeyay wadey la tashi ballaadhan oo uu la samaynayey isimada beelaha , cuqaasha iyo wax garadka beelaha Warsangeli sidii shirkaasi u qabsoomi lahaa

Taas oo ugu danbayntiina la isku af gartay in xilligaas laga dhigo . sidoo kale waxa door muhiim ah ka ciyaari doona qurbe joogta , oo iyaguna ergooyin soo dirsan doona , Shirkan ayaa ah mid dhaqan oo ka madax bannaan wixii siyaasad ah .

Aftahan News

Nuur_giriig1@hotmail.com

Hargaisa/Somaliland