Masar iyo FIBA Afrika oo Somaliland ka tageeri doona kor-u-qaadista Kubbadda Kolayga

Hargeysa(Aftahannews):- Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubbadda Kolayga Somaliland Maxamuud Xasan Cabdillaahi (Qadax), ayaa sheegay in dalka Masar iyo Xidhiidhka Kubbadda Kolayga Afrika ee FIBA AFRICA, ay ballanqaadeen inay Somaliland ka taageeraan sidii kor loogu qaadi lahaa xirfadaha kubbadda Kolayga.

taageerayaashii reer Somaliland ee ka qaybgalay tartanka Tansaaniya

Hargeysa basketball team

Guddoomiyaha iyo Kooxda Kubbadda Kolayga Hargeysa oo ka soo laabtay tartanka magaalooyinka Bariga iyo badhtaha Afrika oo ka dhacay Caasimadda Darasaal ee dalka Tansaaniya, ayaa War-Saxaafadeed uu soo saaray maanta ku sheegay in khubaro ka socda FIBA AfRICA Somaliland iman doonaan sannadkan 2014, waxaanu qoraalka War-Saxaafadeedkaas oo nuqul ka mid ah Aftahannews helay u dhignaa sidan:-

“Xidhiidhka Kubbadda kollayga Somaliland, ayaa soo saaray warsaxafadeed uu kaga warbixinayo tartankii Bariga iyo Badhtamaha Afrika ee kooxda caasimadda Hargeysa kaga qaybgashay caasimadda Tanzania ee Darasalaam.

Waxaannu aad ugu faraxsanahay in aannu ka qaybgalo tartankan oo ay ka soo gaybgaleen 10 magaalo oo ka dhisan wadamada Bariga iyo Badhtamaha Afrika iyo waliba caasimada Masar ee  Qaahira.

Tartanka oo si heer sare ah loo soo aggaasimay, waxa ku guulaystay kooxda dalka Masar oo ahayd kooxdii ugu awooda badnayd.

Ka qaybgalkayagu wuxuu noo ahaa fursad aannu ku abuuray xidhiidho aannu la yeelano Guddida Kubbadda Kollayga ee Afrika iyo tan Bariga iyo Badhtamaha Afrika, waxanay noo ballanqaadeen inay Somaliland ka fulinayaan sannadkan gudihiisa tobarbaro xirfadeed oo kor loogu qaadayo tababarayaasha iyo garsoorka (Referees and Coaches capacity buildings trainings), iyagoo soo diri doona khuburo ka socota FIBA Africa.

Sidoo kale, Aniga (Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubbadda Kolayga Somaliland iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha, waxaannu kulamo gaar ah la qaadanay masuuliyiintii ka socotay Masar, kuwaasoo noo ballanqaaday inay tageero xaga farsamada ah siin doonaan kooxaha kubbadda Kollayga iyo garsoorka Somaliland (Technical Training support).

taageerayaashii reer Somaliland ee ka qaybgalay tartanka Tansaaniya

Ugu dambayntii waxaannu u mahadcelinayaa Maayorka caasimadda Hargeysa iyo dhammaan xildhibaannada Golaha Degaanka Hargeysa, Wasiirka Wasaraadda Dhallinyaradda iyo Ciyaaraha Md. Cali Siciid Reygal oo aanay laa’aantood suurto-gasheen in aannu tartankan ka qaybgalo. Waxan ka rajaynayaa, kuna dhiiri-gelinayaa inay sii wadaan garab istaaga kooxda caasimadda oo aan is-leeyahay waxa u soo kordhay khibrada iyo waayo-aragnimo aad u weyn oo wax ka tari doonta ka qaybgalka tartamada soo socda.

Kooxda kubbadda Kollayga ee caasimadda Hargeysa waxay sameeyeen dedaal ballaadhan, mastawahooduna wuxuu aad uga sarreeyey sidii sannadkii hore, waxanan filayaa inay halkaa ka sii wadaan dedaalkooda,” ayuu yidhi Guddoomiyaha Xidhiidhka Kubbadda Kollayga Somaliland Md. Maxamuud Xassan Cabdilaahi (Qodax).

Kooxda Kubbadda Kollayga caasimadda Hargeysa, ayaa ciyaarihii ay ka qaybgaleen lagaga badiyey dhibco aad u yar, kuwaasoo aad uga fiicnaa sidii natiijadii ay ka keeneen tartankan oo ay hore uga qaybgaleen.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.