Premier League: Kooxaha Isu-beegan Toddobaadkan Iyo Saadaasha Owen

Horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League waxa kulanka ugu adag ee toddobaadkan dhacaya ku ballansan labada kooxood ee isku magaalada ah ee Tottenham iyo Chelsea oo ku wada ciyaaraya magaalada London, laakiin kaligood ma aha, waxa se kale oo jira kulamo kale oo adag.

Horyaalka oo galay toddobaadkiisii shanaad, waxa hoggaankiisa u dagaallamaya saddexda kooxood ee Chelsea, Manchester United iyo Liverpool oo min 10 dhibcood  haysta, kana siman goolasha oo min 8 gool haysta.

Manchester United oo ah kooxda kaalinta koowaad ku fadhida xaraf-bilowga magaca ayaa waxay safar ku tegaysaa Magaalada London oo uu ku sugayo tababaraheedii hore ee David Moyes iyo kooxda uu isku habaystay ee West Ham United, halka kooxda difaacanaysa horyaalka ee Manchester City ay waajahayso kooxda culayska badan haysto ee Southampton.

Arsenal oo qaabkii ugu xumaa abid ku bilaabatay horyaalka, isla markaana fadhida kaalinta 16aad iyadoo haysata saddex dhibcood oo kaliya ayaa waajahaysa Burnley halka  kooxda heerka labaad kasoo baxday ee Norwich City ay raadinayso inay hesho dhibcaheedii ugu horreeyyey marka ay Crrow Road ku kulmaan Watford.

Ad by Valueimpression

Halyeygii Liverpool ee Michael Owen ayaa saadaaliyey kulamada horyaalka Premier League ee toddobaadkan, axaana uu kasii farxiyey Thomas Tuchel oo uu ugu bushaareeyey inuu guul kala soo laaban doono deriskooda Tottenham, halka Man City iyo Liverpool uu iyagana guulo u rajeeyey.

Halkan kaga bogo saadaasha Michael Owen ee Premier League:

Tottenham 1-2 Chelsea

West Ham 1-2 Manchester United

Burnley 2-1 Arsenal

Manchester City 4-0 Southampton

Liverpool 3-0 Crystal Palace

Newcastle 1-0 Leeds

Wolves 1-0 Brentford

Norwich 1-1 Watford

Aston Villa 1-2 Everton

Brighton 1-1 Leicester