Faransiiska Iyo Midowga Yurub Oo Ka Cadhooday Heshiis Saddex Dal

Hargeysa, (Aftahannews)-Go’aanka madaxweynaha Maraykanka Joe Biden uu xulufo dhinaca istaraatiijiyadda ah kula sameystay labadda waddan ee Australia iyo Britain ayaa ka caraysiiyey Faransiiska iyo dalalka kale ee Midowga Yurub.

Saddexdan waddan oo kala kulaala labada badweyne ee India iyo Pacific ayaa heshiiskan gaaray toddobaadkan. Faransiiska iyo M. Yurub ayaa dareemay in cidlo looga tagay, waxayna u arkaan in tallaabadii uu Trump qaaday ay dib u soo noqotay.


Heshiiska ayaa u muuqda in uu soo afjaray sidii wanaagsaneyd ee M. Yurub iyo Maraykanku iskula jaanqaadeen xiligii xagaaga. Heshiiska cusub oo loo soo gaabiyo AUKUS, kaas oo meesha ka saaraya Faransiiska iyo M. Yurub ayaa ka mid noqonaya tallaabooyin is xig-xiga oo uu Maraykanku ka qaatay arrintan Afgahnistan ilaa bariga Asia, kuwaas oo Yurub ka yaabiyey.

Ka dib markii Biden uu horay hogaamiyeyaasha Yurub ugu yiri “America way soo noqotay” oo siyaasadda arrimaha dibaba ee Maraykanka waxaa hagi doona wada shaqeyn, ayuu haddana arrimo dhowr ah muhiim ah kaligii ku dhaqaaqay. Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Faransiiska ayaa sheegay in aanu “gabi ahaanba fahmin” tallaabadan u dambeysay, taas oo ugu yeeray “middi dhabarka la iska galiyey.” Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee M. Yurub ayaa ku cawday in Yurub aan lala tashan.

Faransiiska ayaa khasaari doona ku dhawaad 100 bilyan oo dollar oo uu Australia kula heshiiyey inuu u dhiso gujisyada badda hoosteeda mara, iyada oo hadda Maraykanka iyo UK ay Australia u dhisi doonaa gujisyo awoodda nuclearka ku shaqeeya.

Saraakiisha Faransiiska iyo M. Yurub ayaa sheegay in heshiisku uu su’aal galinayo dhammaan dadaaladii wada shaqeynta ee lagu horjoogsanayey raadka sii kordhaya ee Shiinaha.

Dadka qaar ayaa tallaabooyinkan ugu dambeeyey ee Biden u barbar dhigay kuwii madaxweynihii isaga ka horeeyey, Donald Trump oo isaga hal-ku-dhaggiisu ahaa “Maraykanka ayaa mudnaanta koowaad leh.”