Weftiyo ka qaybgalaya Xuska 18-ka May oo gaadhay dalalka Maraykanka iyo Ingiriiska

London/Washington (Aftahannews)- Weftiyo ay kala hoggaaminayaan Wasiirrada Wasaaradaha Warfaafinta iyo Madaxtooyada Somaliland, ayaa gaadhay magaalooyinka London ee dalka Ingiriiska iyo Washington ee waddanka Maraykanka, kuwaasoo Jaaliyadaha reer Somaliland ee magaalooyinkaas ku dhaqan kala qaybgeli doona xuska 23-guurada ka soo wareegtay ku dhawaaqistii gooni-isu-taagga Somaliland ee 18-ka May.

Weftiga uu hoggaaminayo Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo iyagu jaaliyadda reer Somaliland ee ku dhaqan magaalada London ee waddanka Ingiriiska kala qaybgeli doona xuska 18-ka May, ayaa gaadhay London oo si diirran loogu soo dhaweeyey. halkan hoose ka daawo Weftiga Wasiirka Warfaafinta iyo sida loogu soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha ee London.

sidoo kale, Wefti uu hoggaaminayo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa iyaguna gaadhay magaalada Washington DC ee Carriga Maraykanka, halkaas oo ay Wasiirka iyo Weftigiisu kaga qaybgeli doonaan dabbaal-degga 18-ka May.

10382562_10152406835378535_394580289240072908_o 1512130_10152406833043535_422779864863140274_o 00088 00009

Warka ku saabsan Wasiir Xirsi iyo Weftigaas waxa lagu faahfaahiyey qoraal xalay ka soo baxay xarunta Madaxtooyada Somaliland ee magaalada Hargeysa, kaasoo nuqul ka mid ah uu helay Aftahannews waxa uu u qornaa sidan:- “Weftigii uu hoggaaminaayay Wasiirka Madaxtooyadda Somaliland, Mudane Xirsi Cali Xaji Xasan ayaa gaadhay Caasimadda waddanka Maraykanka ee Washington DC, waftigan oo ay xubno ka yihiin Guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee Golaha wakiilada Baashe Maxamed Faarax, Xildhibaan Cali Obsiiye Diiriye (Cali Gabilay) iyo Marwo Sacdiya oo ka tirsan guddida qaran ee dhismaha wadada Ceerigaabo.

Waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaraha, Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Maraykanka Rashiid Gaaruf, Guddoomiyaha Jaaliyada Washington Xaashi Ismaciil iyo dad weyne  ka tirsan Jaaliyada Somaliland.

Waftiga oo garoonka lagaga soo galbiyay gawaadhida martida waxaa la dajiyay goobihii loo sii diyaariyay iyadoo marti-qaad koodana ay ka mid ahayd  qado sharaf madaama ay ku beegmeen xiligii qadada taasi oo loogu sii talo galay,  Safiirka Somaliland ee waddanka Maraykanka Rashiid Gaaruf oo ka hadlay socdaalka Waftiga wuxuu sheegay inay jaaliyadaha kala qayb gali doonaan xusaska munaasibada qaran ee 18 May.

Wasiirka Madaxtooyada Xirisi Cali Xaji Xasan oo isna geestiisa ka hadlay ayaa u mahad-naqay dadkii ku soo dhaweeyay Magaaladda Washington DC, isagoo ugu bushareeyay inay munaasibada qaranka la ciidi doonaan. Maalmaha soo socda ayaa la filayaa inay waftigu ka qayb galaan munaasibado kala duwan oo kuwaas oo lagu kala qaban-doono magaaloyin kala duwan oo ku kala yaala waddamada waqooyiga Ameerika.”

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.