Taliban: “Turkigu Waa In Uu Ka Soo Baxo Walaaltinimada Islaamka”

Hargeysa, (Aftahanews)-Afhyeen u hadlay Taliban oo lagu magacaabo Suhayl Shaheen ayaa sheegay in dalalka Afghaanistaan iyo Turkigu uu ka dhaxeeyo xidhiidh taariikhi ah isla markaana dowladda cusub ee Mullah Xasan Akhund ay doonayso in ay sii kordhiso iskaashiga kala dhaxeeta Turkiga.

Shaheen ayaa sheegay in Afghaanistaan ay rabto in ay sare u qaaddo iskaashiga ay la leedahay Turkiga waliba dhinacyo kala duwan.Wuxu intaa raaciyay in gudaha Afghanistan ay joogaan injineero iyo shaqaale kale oo ka soo jeeda dalka Turkiga kuwaas oo uu tilmaamay in ay dalka ka hayaan howlo muhiim ah.

Afhyeenka u hadlay Taliban oo waraysi siinayay warbaahinta laga leeyahay dalka Turkiga ee Haberler.com, waxaa uu yiri: “Waxaan rabnaa in aan xoojino xiriirka Turkiga aan la leenahay mustaqbalka waxaan doonaynaa in aan sare u qaadno iskaashiga dhinacyada waxbarashada dhismaha iyo dhaqaalaha”.

Mar uu ka jawaabayay su’aal la waydiiyay oo ku saabsaneed siyaasadda arrimaha dibadda ee madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, waxaa uu sheegay in dal walba uu leeyahay siyaasad arimo dibadeed oo isaga gooni u ah ayna sidaa u tixgalinayaan arrintaas.Shaheen ayaa tilmaamay in dowladda cusub ee Afghanistan ay muhiimadda siinayso horumarinta danaha isku midka ah ee ka dhaxeeya iyaga iyo dalka Turkiga.

Waraysigaan uu bixiyay afhyeenka Taliban wuxuu ku sheegay in hadba mowqifkoodu uu ku xiran yahay sida uu noqdo kan dalka Turkiga:, “Waxaan u qaadan doonnaa mowqifkeenna sida Turkiga uu ka doonayo xiriirka, haddii uu ka baxo sida walaalka Muslimka ah.”“Markaas annaguna waxaan ka soo bixi doonnaa si la mid ah taa, waana la soo dhaweynayaa. Waxaana u aragnaa Turkiga walaal Muslim ah”, ayuu yiri Suhayl Shaheen.Wuxuu sheegay in ay socdaan wadahadllo u dhaxeeya Turkiga Taliban iyo Qadar, kuwaas oo ku saabsan howlaha garoonka Kabul. Bishii la soo dhaafay ayay Taliban ku boorisay Turkiga inuu gacan ka gaysto arrinta garoonka caasimadda Kabul.

Madaxweyne Erdogan, ayaa falcelintiisii ugu horeysay ee dowladda cusub, ee Mullah Maxamed Xasan Akhund uu ka yahay raysal wasaaraha ku meel gaarka ah, waxaa uu su’aal galiyay inta ay sii jiri karto dowladdaas Taliban.

Erdoan ayaa sheegay in ay adag tahay in dowladda rasmi ah loogu yeero xukuumadda cusub ee Taliban.Sidoo kale wuxuu sheegay in aanu garanynin inta ay sii jiri karaan golaha wasiirada ee ku meel gaarka ah, isaga oo intaa raaciyay in dowladiisa ay isha ku hayn doonto dhaqdhaqaayada cusub ee dowladda Taliban.Hore ayaa wasiirka arrimaha dibadda ee dalka Turkiga, Mevlut Chousolo, wuxuu u sheegay in aaney dowladiisu ku degdegi doonin aqoonsiga dowladda Taliban.Sidoo kale wuxuu sheegay in xitaa aan loo baahneyn in caalamku ku degdego aqoonsiga dowladda ay ku dhawaaqday Taliban.

Wasiirka arrimaha dibadda Turkiga wuxuu sheegay in loo baahanyahay hab-dheeli tiran ayna dowladiisu xaaladda ku qiimeyn doonto hadba waxa ay aragto.Mevlut Chousolo ayaa yidhi: “Waxaan rajeyneynaa in Afghanistan aysan geli doonin dagaal sokeeye”.Wuxuu intaa ku daray in dowladda Turkigu ay kala hadleyso dalalka Mareykanka iyo Qadar arrimaha la xiriira gegida diyaaradaha Kabul.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga Mevlut Chousolo ayaa wareysi uu siiyay telefishanka NTV ee Turkiga ku sheegay in Turkigu uu si tartiib tartiib ah u horumarin doono xiriirka uu la leeyahay Taliban.Chousolo wuxuu sheegay in dowladda Afghanistan ay tahay inay noqoto mid loo dhan yahay. Waxaa kale oo uu sheegay in haddii ay noqoto dowladdu kaliya ee ka jirta Afghanistan Taliban in arrintaas dhibaato ka dhalan karto.Chousolo ayaa yiri: “Waxaa ka wanaagsan in Taliban ay dhisaan dowlad loo dhan yahay intii ay ka qeyb qaadan lahaayeen dagaal sokeeye”. Dawlad loo dhan yahay ayuu aqbali doonaa caalamka oo dhan. Haweenka Afgaanistaan waa in sidoo kale mas’uuliyad laga siiyo dowladda ayuu raaciyay hadalkiisa.

 

Turkiga ayaa xiriir taariikheed oo xooggan la leh Afgaanistaan. Turkiga ayaa ahaa dalka kaliya ee Muslim ah ee Afghanistan ay ka joogeen ciidamo qayb ka ahaa NATO.