Hay’ada Caymiska Oo Ka Jawaabtay In Caymiskii Baabuurta La Joojiyay

Hargeysa (Aftahannews)- – Guddoomiyaha Hay’adaha Caymiska Somaliland Saleebaan Cawad Cali (Bukhaari) ayaa beeniyay eedaha sheegaya in caymiskii baabuurta la joojiyay kadib markii qaar kamid ah baabuurlaydu ay cabasho muujiyeen.

Bukhaari ayaa sheegay in ay hore ula heshiiyeen baabuurlayda mudo kahor isla markaana inta wixii ka danbeeyay ay ku jireen hirgalinta caymiska baabuurta.

“Sida cad 24 bishii 7aad ayaanu go’aanka soo saarnay bulshadu way ogayd, waanu u sababaynay, way ku qanceen, wixi ka danbeeyay waxaanu wadnay siduu u bilaabmi lahaa, waxa Alxamdulilaahi  ah in maanta uu ka bilaabmay caymiskii Dekedda Berbera gaadiidka kasoo dagaya iyo gadiidka galaya labadaba” ayuu yidhi Bukhaari.

Bukhaari ayaa intaa ku daray in baabuurlayda qaarkeed ay shalayba qaateen caymiska isla markaana maantana ay qaar kale u diyaar yihiin.

“Shalay gaadiid ayaa qaatay caymiska maantana diyaar ayay u ahaayeen, waxa jiray warar war xumo tashiil ah, ama warar aan xaqiiqo ahayn, oo markii shaqada in la bilaabo la doonayay Dekedda Berbera ku faafay, oo ah in howshi caymiska la joojiyay, waxaanu u sheegayna bulshada go’aankaa wax badalay ma jiro” ayuu yidhi Bukhaari.

Xukuumada Somaliland ayaa maanta bilowday hirgalinta caymiska baabuurta xamuulka ah iyo baabuurta kasoo dagaysa Dekedda Berbera oo ay horay u sheegtay in maanta oo ah 15 September la waajibin doono.