Hay’adda Xasaraddaha Oo Ka Hadashay Rooble Iyo Farmaajo

Muqdisho (Aftahannews)-Kaddib muddo toddobaadyo ah oo ay cirka isku shareertay, xiisadda u dhaxeysa Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa u muuqato arrin caalamka laga hadal hayo.

Hay’adda Xasaradaha Adduunka ee ICG, ayaa warbixin ay soo saartay kaga hadashay xaaladda Soomaaliya iyo dhibaatooyinka laga dhaxli karo khilaafka madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha.Ka dib dilkii ay dowladdu sheegtay in loo geystay Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsaneyd hay’adda nabadsugidda, madaxweynaha iyo ra’iisul wasaaraha ayaa labaduba agaasime cusub u magacaabay madaxa hay’adda.

Iyadoo arrintaas tusaale u soo qaadatay, hay’adda ICG waxay beesha caalamka ugu baaqday in ay il gaar ah ku eegaan kooxaha ay sheegtay inay fowdo ka wadaan dalka, ayna ku hanjabaan cunaqabateyn.Xidhiidhka Rooble iyo Farmaajo ee mar wanaagsanaa, ayaa sii xumaanayay tan iyo bishii May markii uu madaxweynuhu u xil saaray ra’iisul wasaaraha arrimaha doorashooyinka.

Rooble ayaa aqbalay kaddib markii ciidamo xiriir la leh xubno mucaaradka ka tirsan sida madaxweyneyaashii hore Xasan Sheekh Maxamuud iyo Shariif Sheekh Axmed uu iska hor imaad dhex maray ciidamo kale oo taageersan Farmaajo.

Xubno taageersan madaxweynaha oo aqalka hoose ka tirsan ayaa ansixiyay in muddo labo sano ah uu madaxweynuhu sii hayo xilka, atas oo uu ka dhashay muran.

Kaddib isku dhacyadaas, madaxweynaha ayaa mas’uuliyadda doorashooyinka u dhiibay Rooble.

Si kastaba, ICG waxay tilmaamtay in “sida ay haatan xaaladdu tahay ay keentay cabsi ah in ciidamada kala taageersan madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha uu isku dhac dhex maro taas oo saameyn ku yeelan karta hannaanka doorashada.”

Hay’adda ayaa sheegtay in Ikraan oo ka tirsaneyd hay’adda NISA “ay suuragal ahayd in laga cabsi qabay inay fashili doonto ciidamadii muranka uu ka dhashay ee ay Soomaaliya tababarka ugu dirtay Eritrea, sannadkii 2019”.

Dowladda Soomaaliya ayaan faahfaahin badan ka bixinin arrintaas, waxaana jiray guddi xaqiiqo raadin ah oo loo saaray si ay u baaraan cabashada waalidiinta.

“Inta badan ciidamadaasna kuma aysan soo laaban Soomaaliya”, ayey tiri hay’adda Xasaradaha Caalamka. “Taas waxay sababtay in qoysaskooda ay dalbadaan in war laga siiyo halka ay ku sugan yihiin.”

Waxaa hore u soo baxay warar aan la xaqiijin oo sheegayay in ciidamadaas Soomaalida ah la geeyay furinta hore ee dagaalka Itoobiya ee gobolka Tigray.

“Arrintan ayaa maamulka Farmaajo ku noqotay xasarad siyaasadeed. Inkastoo ciidamo Soomaali ah tababar loogu diri jiray dibadda, sida Turkiga, haddana tan Eritrea ma ahayn mid la ogaa,” ayaa ku xusan qoraalka ICG.

Qoysaska waxay sheegeen in aysan wax war ah ka helin carruurtooda. Qoysaskaas ayaa dhigay dhowr dibadbadyo ay ku dalbanayaan in faahfaahin dheeraad ah laga siiyo tababarkan.