Madaxweynaha Somaliland Oo Ka Qeyb-galay Aas Qaran Oo Loo Sameeyey Marxuum Suldaan Cumar Suldaan Maxamed 

Hargeysa, (Aftahannews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta ka qeyb galay Aaska qaran oo loo sameeyey Marxuum Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax oo kaa mida ahaa mudanta bahda dhaqanka ee Somaliland islamarkaana lagu aasay Koonfurta Caasimadda Hargeysa.
Madaxweynaha oo ayaa tacsi u diray qoyskii qaraabadii bahda dhaqanka iyo guud ahaanba qaranka Somaliland ee uu ka baxay inuu Samir iyo Iimaan ka siiyo Marxuukana alle uga baryey inuu Jannatul Fardowsa ka waraabiyo waxaana uu yidhi “ Innaalilaahi wa innaa ilayhi raajicuun, Waxaan joognaa tacsidii sameeyey Marxuum Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, Ilaahay Suldaanka how naxariisto oo jannadii Fardowsa haka waraabiyo qoyskii iyo qaranka Somaliland ee uu ka baxayna Ilaahay Samir iyo Iimaan haka siiyo, Suldaan Cumar oo Aabbihiina ahaa dadkii aasaasay SNM oo taariikh sharaf badan mudan,Nabadiina tiirka koobaad ka ahaa, Saldanadaa weyn ee uu kasoo jeeday oo xorayntii dalka iyo nabadiisiiba horumuud ka ahaa, intii uu noolaana samafal uun buu ku jiray , Ilaahay uun baa baaqi noqonaaya dadkuna haku cibro-qaato inay geeriyi inaga wada danbayso, Ilaahay Suldaanka how naxariisto innagana haynooga daba naxariisto Samir iyo Iimaan, Raaska iyo Saldanadiina halkiisii Ilaahay Cawil kheyr qaba how geliyo” ayuu yidhi Madaxweynuhu.
Waxaana Aaska kasoo qeyb galay qaar kamida Madax dhaqameedka Dawladd Deegaanka Soomalida ee Itoobiya oo isugu jira Salaadiinta, Garaado iyo qaar kamida Wasiirada Xukuumada Dawladd Deegaanka.
Wa-bilaahi Tawfiiq