Sharciyo Ku Cusub Champions League Oo La Soo Kordhiyey

Sharciyo cusub ayaa lagu soo kordhiyey tartanka Champions League ee xilli ciyaareedkan, iyadoo meesha laga saaray kuwo kale oo sannado badan lasoo isticmaalayay, waxaana ay taageereyaashu arki doonaan isbeddellada marka uu tartanku bilaabmo.
Isbedellka ugu weyn ee lagu sameeyey shuruucdii tartanka Champions League, waxaanay saamaynayaan qaabka ciyaarta iyo sida loo go’aaminayo natiijooyinka gaar ahaan marka la gaadho wareegyada isreeb-reebka tooska ah.
Xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ayaa shaaciyey in isbedelka koowaad uu yahay, in meesha laga saaray, lana baabi’iyey sharcigii ‘goolka dibedda’, kaas oo kooxo isku goolal iyo guulo ah ay midkood kusoo baxdo gool ay ku dhalisay garoonka kooxda kale, taas oo qalbi jab ku ahaan jirtay taageereyaasha.


War-saxaafadeed ay UEFA soo saartay ayay ku tidhi: “Labada kooxood ee kulamadooda labada lugood ahi kusoo dhamaadaan tiro goolal isku mid ah, laguma go’aaminayo natiijada goolasha kusoo dhasha dibedda ‘Away goals’, laakiin waxa lagu dari doonaa laba 15aad (30 daqiiqadood) oo dheeraad ah oo lagu darayo marka uu dhamaado kulanka labaad, haddii ay ku kala bixi waayaanna waxa labada kooxood lagukala saarayaa gool-ku-laad (rikoodheyaal) si loo go’aamiyo kooxda soo gudbaysa.”
Qodobka labaad oo isbeddelkiisa la dareemi karo kulamada ugu horreeya ee Salaasada iyo Arbacada toddobaadkan, waa in la kordhiyey tirada beddelka ay samayn karaan kooxuhu oo laga dhigay shan illaa lix.
Sharcigan oo hore si ku-meelgaadh ah loosii hirgeliyey xilligii COVID-19, waxa uu koox walba u ogolaanayaa inay samayso shan beddel inta ay ciyaartu socoto, laakiin haddii ciyaarta waqti dheeraad ah lagu daro {30 daqiiqadood} waxa loo ogolaanayaa beddel lixaad.
Waqtiyada beddelka ayaa sidoo kale isbeddel lagu sameeyey, waxaana loo ogol yahay in ugu badnaan saddex jeer loo joojiyo ciyaarta si ay beddel u samayso, kuwaas oo ay midkood noqonayso haddii ciyaarta waqti dheeraad ah lagu daro.
Qodobkan ayaa ka dhigan in 90-ka daqiiqadood ay kooxdu laba jeer joojisan karayso ciyaarta si ay beddel u samayso, waxaana arrintan looga dan leeyahay si loo yareeyo waqtiga lumaya.