Jabuuti Oo Ka Hadashay Xaaladda Caafimaad Ee Madaxweyne Ismaaciil

Jabuuti (Aftahannews)-Iyadoo saacadahii la soo dhaafay baraha bulshada si aad ah u dhex wareegaayay qoraalo lagu sheegayo inuu xanuunsan yahay madaxweynaha dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa waxaa wararkaasi goordhaw beenisay dowlada Jabuuti.

War qoraal ah oo uu bartiisa Twitter-ka uu soo dhigay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayuu ku beeniyay wararka sheegaya in madaxweynaha dalka Jabuuti uu la liito xanuun hayo.
“Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle wuu fiican yahay, Dhammaan wararka la faafiyay ee ku saabsan xaaladdiisa caafimaad waa kuwo xaqiiqda ka fog wuuna caafimaad qabaa madaxweynaha kaliya waxa uu maraya caafimaad maadama aanu dalka ka bixin xagaagii la soo dhaafay, hadana uu ku jiro xaalad nasasho ah” Ayuu yidhi wasiir Maxamuud Cali Yuusuf

Wasiirka ayaa sheegay in madaxweynaha waqtigan uu dareemayo kaliya xaalad nasasho la’aan ah, islamarkaana uu dhawaan soo shaqo gali doono.
“Madaxweyne Geelle wuxuu shaqadiisa ku soo laabanayaa maalmo gudahood, mana jirto walwal gaar ah oo laga qabo xaaladaiisa Caafimaad” Ayuu wasiir Maxamuud Cali Yuusuf.

Hadalka wasiirka arrimaha Dibadda dalka Jabuuti ayaa imaanaya xili tan iyo shalay baraha bulshada lagu dhex arkaayay qoraalo la xariira wararka sheegaya in madaxweynaha Jabuuti uu wajahayo xaalad caafimaad darro.