Gabadh Soomaaliyeed Oo Markii Ugu Horraysay Xildhibaan Ka Noqotay Dalka Norway

Muqdisho (Aftahannews)-Maryan Cabdi Xuseen oo ah haweenay kasoo jeeda Soomaaliya ayaa taariikh cusub sameysay, kadib markii ay noqotay qofkii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo ka mid noqda baarlamaanka dalka Norway.

Maryan  Cabdi ayaa noqotay haweeneydii ugu horeysay oo muslim ah oo ka soo dhex muuqato baarlamaanka Norway iyadoo xiran xijaab kadib markii ay ka mid noqotay golahaas.

Ka hor xirfadeeda siyaasadeed, Maryan waxay ahayd guddoomiyaha Ururka Ardayda Soomaaliyeed (SSF), iyadoo ay ka mid ahayd xubnihii aasaasay oo uu ka mid ahaa ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre.

Maryan ayaa sheegtay in ay siyaasadda u gashay duruufo haysta bulshada ay ka dhalatay iyo guud ahaan shacabka dalkaas oo ay rumaysan tahay in ay wax ka qaban karto hadii ay haatan ku guulaysatay in ay ka mid noqoto baarlamaanka.

Qoraal uu soo saaray raysal wasaarihii hore ee Soomaaliya, Xasan Kheyre ayuu ugu hambalyeeyay Maryan Cabdi Xuseen guushii ay gaartay, maadaama ay noqotay xildhibaankii ugu horreeyay oo Soomaali ah oo ka tirsan baarlamaanka Norway.

“Xildhibaanka cusub iyo dhammaan Soomaalida Norway, waxaan idinku hambalyeynayaa guushii taariikhiga ahayd ee Maryan,” ayuu ku yiri ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter -ka.