MadaxweynahaSomaliland Oo Ka Qeyb-galay Munaasibada Qalin-jebinta Dufcadii 9-aad Ee Jaamacada Tima-cadde Ee Magaalada Gabiley.

Hargeysa (Aftahannews)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Muuse Biixi Cabdi iyo Weftigii uu hoggaaminayey ee gobolada galbeedka safarka shaqo ugu maqnaa ayaa maanta ka qeyb-galay Xaflada Qalin-jebinta Dufcadii 9aad ee Jaamacada Tima-cadde University ee Magaalada Gabiley oo ay ka qalin-jabiyeen 170-arday oo dhamastay Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacada, waxaana Madaxweynuhu ugu horaynba Hambalyo u diray dhammaan Aqoonyahanka cusub ee kusoo biiray bahda Aqoonyahanka, sidoo kalena waxa uu boggaadiyey maamulka iyo macalimiinta Jaamacada iyo waalidiintii tacabka dheer soo geliyey ardaydaas.

Madaxweynaha ayaa ugu horaynba hambalyeeyey ardayda waxaana uu yidhi “Waxaan aad iyo aad ugu faraxsanahay inaan nasiib u helay inaan ka soo qeyb galo dhalinyaro iyo waayeelka maanta Jaamacadan Tima-cadde ka qalin-jebinaaya oo ah aqoonyahan kusoo kordhay aqoonyahankii qaranka, xafladaasoo kamda xafladaha ugu mudan xafladaha laga qeybgalo, waayo meel dad wax soo bartay qarankooda wax u taraya, aad iyo aad baanu ugu faraxsanahay anniga iyo weftiguba inaan kasoo qeyb galnay”.

Sidoo kale Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland waxa uu bulshada uga mahadceliyey soo dhaweynta balaadhan ee ay u sameeyeen “Waxaan aad iyo aad idiinka mahadcelinaynaa anigoo ku hadlaaya magaca Weftiga dadweynaha reer Gabiley ilaa intii aanu soo soconay saaka soo dhaweynta diiran ee aad iyo aad u xamaasada badan ee aad nagu soo dhaweyeeen Sheekh, Waranle, Ragg iyo Dumar, Ciroole iyo caruurba aad iyo aad baan idiinka mahadnaqaynaa”.

Mudane, Muuse Biixi Cabdi Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegay in Somaliland maanta ku sugan tahay xaalad Ilaahay loogu mahadnaqo wuxuu yidhi “Haddii aynu nahay Somaliland guud ahaan maanta waxaynu ku suganahay Xaalad Ilaahay loogu mahadiyo oo ay ugu horayso nabadgelyo caama, innagoo og hareeraheena waxa ka dhacaya, Ilaahay galladii iyo dadkeena oo niyad wanaagiisa iyo isku tashigiisa dhammaan Somaliland darafyadeeda markay tuhunka ka heshiisay ee qalbiga isaga ducaysay ee ay isu damqatay Ilaahayna waa u gargaaray, dabeylaha coladeed ee dhacaya Ilaahay waa ka nabadgeliyey, Abaaraha Ilaahay waa kasoo jebiyey iyaga Ilaahay qalbigooda waa isu wanaajiyey”.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Adduunku maanta raadinaayo Somaliland “Wuxuu Ilaahay ina siiyey Bogcad maanta adduunka oo dhami raadinaayo, Baddacas oo aynu qeybta ugu weyn leenahay 900KM waxaa mara ganacsiga adduunyada oo dhan isku xidha 25% in ka badan, waxa Ilaahay innagu abuuray meel adduunka oo dhami maanta uu leeyahay halkanaa wax yaaliinee halaga helo, waxaaba lagu qiyaasa Dahabka ugu badan Afrikada bari in laga heli karo Somaliland ayaa la sahamiyey oo aan faan ahayn”.

Dhanka kalena waxa uu Madaxweynuhu Bulshada reer Gabiley hoosta uga xariiqay in dhawaan Banka Wajaale uu marti-gelin doono in ka badan Milyan iyo Shan boqol oo Koontiiner kuwaas oo ka gudbi doona Xuduuda Wajaale “Sannadka 2022 ama 2023 horaantiisa in Berbera ay kasoo degaan Koontiinaro ka badan Milyan iyo badh (1.5M), Koontiinaradaasi wadada keliya ee samaysan hadda inta kuwa kale la samaynayo ay ka bixi doonaan waxaa weeye waddadaa Wajaale ka gudubta, Gobolka Gabiley waxaa kusoo baxsan doona 1.5M ilaa 1.8M oo koontiinaro ah inay meelayso meeshii la dhigi lahaa oo la yidhaahdo Aagga cashuuraha ka caaggan, culayska intaa leeg baa idin fuuli doona, waxaa soo kordhaaya dadka Dekedaa ka adeeganaaya ee aynu doonayno Afrika inta xidhan oo dhan inay helaan adeeg iyo dad ilbaxa oo dhaqankooda ku adag qof kastoo ka dhaqan duwan ama ka diin duwan la shaqaysan kara si nabad ah, Waxaan kale oo aan rajaynaynaa sannadka soo socda waddo tan leeg oo kasoo baxda Lawya-caddo oo soo marta Boorama oo ilaa Burco isku xidha oo uu inoo ballan qaaday Baanka Afrika”.

Sidoo kalena Madaxweynuhu waxa uu bulshada reer Gabiley ku booriyey in Mashruuca Wajaale yahay mid qaranku leeyahay ka dawladd ahaan iyo bulsha ahaana ay ka wada tashan doonaan sidii horumar looga gaadhi lahaa “Mashruuca Wajaale Qaranka leh waa run dadka degan ee dhulka Ilaahay ku beeray baa lahaa laakiin beri hore ayeynu go’aansanay in la wada wadaago oo heer qaran wax lagu soo saaro, saddex wax buu leeyahay Beeruhu ku wanaagsan yahay, marna Xooluhu ku wanaagsan yahay imikana waxaa kusoo kordhay Free Zone in laga helo dhulkii, waynu ka wada tashanaynaa waxaynu ka dhigaynaa sida ugu faa’idada badan”.

Gegagebadii Madaxweynuhu waxa uu Shahaadooyin guddoonsiiyey hormuudka Kulliyadaha kala duwan ee Jaamacada Tima-cadde

Wa-bilaahi Tawfiiq