Haddii Shacabka Gabiley Madaxweyne Siilaanyo Oo Siiyey Saamigii ugu Badnaa Ay Ku Soo Dhaweeyeen Kabo, maxay ku soo dhawayn Doonaan Madaxweyne Biixi oo kagaga Baxay Balantii?

Dareenada ku xeeran safar madaxweynaha jamhuuriyada somaliland kusoo marayo gobolka gabiley maalinta barriya ayaa ka duwan kuwii hore loogu yaqaanay gobolka, ee ahaa in lagu soo dhaweeyo caleemo qoyan iyo ubaxyo.

waxaana shacabka ku nool guud ahaan gobolka gabiley ay ka aragti siman yihiin saluuga ay ka qabaan saamiga xukuumada madaxweyne biixi ay ka siisay xubnaha dawlada iyo balantii gobolnimada gabiley, iyadoo bulshadani ku calaamadsan tahay guushii madaxweynaha jamhuuriyada somaliland ku fuulay kursiga maanta uu ku fadhiyo.
Muddo xilkeeda Madaxweynaha jamhuuriyada somaliland oo ay ka hadhsan tahay muddo sanad ahi waxaa wali shacabka gobolka gabiley ay faro madhan ka taagan yihiin gobolnimo ay hesho bulshada gabiley, oo ahaa balanqaadka kaliya ee xukuumadihii kala horeeyey ee Madaxweyne Axmed maxamuud Siilaanyo iyo Madaxweyne Biixi Cabdi ay u balanqaadeen Shacabka gobolka gabiley markii ay ku jiree ololaha Doorashadooda kuna siiyeen codkooda oo ahaa ka kaliya ee lagu kala badinayey.

Madaxweynihii hore Somaliland Mudane Axmed Siilaanyo xukuumadiisii Waxaa xilal wasiirnimo uu u magacaabay tiroba ilaa saddex wasiir oo kala ahaa wasiirkii Warfaafinta, Wasiirkii Maaliyada iyo Wasiirkii Ganacsiga, halka uu taliyaha ciidamada qarankuna uu kasoo jeeday gobolka gabiley, iyadoo tirada intaa leeg ee masuuliyiin ahi u magacownayeen kuna matalayeen gobolka gabiley haddana waxaa jiray saluug siyaasi ah oo sababay shacabka gobolka gabiley inay Kagaga hortagaan Madaxweyne Axmed maxamuud siilaanyo kunasoo dhaweeyaan kabo.
Halka Madaxweyne Muuse biixi cabdi oo qaaday dhabihii madaxweynaha ka horeeyey islamarkaana bulshada shacabka gobolka gabiley oo uu kala hadlay fagaarayaasha wakhtigii ololaha iyo kulamo hoose uu la galay cuqaasha iyo madaxda dhaqanka waxaa uu balan qaaday in gobolnimada gabiley uu meel saaraayo uu isagu noqonayo madaxweynaha ansixinaya islamarkaana golaha horgeyna gobolnimada gabiley, waxay taasi noqotay mid ay ku hungoobeen shacabkii codkooda siisyey madaxweyne biixi, halka saamiga kuraasta xilalka xukuumada uu guud ahaan gobolka gabiley u magacaabay hal wasiir oo aan wax saameyn ah ku lahayn gobolka, hadaba muddo sanad ah oo ay ka hadhay muddo xileedka madaxweyne biixi marlabaadna uu damacsan yahay inuu isku soo taago musharaxnimada shanta sano ee danbe, Maxaa la gudboon shacabka gabiley?
Cududa iyo codadka Shacabka gobolka gabiley ma noqon doonaa mid mar labaad Madaxweyne biixi ka dhigto salaan uu ku fuulo kursiga, mise waxaa dabaylaha siyaasada ee kusoo wajahani dhaxalsiin doonaan kuwo ku cad goosta farahooda.
Sida laga Warqabo Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland Ayaa Habeen dambe sidii caadada u ahayd ku nasan doona magaalada gabiley halkaas oo uu kulamo la yeelan doono odayaasha iyo madaxda dhaqanka gabiley, iyadoo aaney wali waxba ka fulin balamo hore oo kulankii ugu danbeeyey madaxweyne biixi ay hordhigeen fulintooda balse aanu waxba kasoo qaadin.