Madaxweyne Farmaajo, ayaa magacaabay guddi uu Guddoomiye u yahay Xeer-ilaaliyaha guud ee Qaranka, ku xigeenna uu ka yahay Xeer Ilaaliyaha Maxkamadda Ciidammada Qalabka Sida ee Soomaaliya.
“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo mudnaan siinaya in baaritaan daah furan lagu sameeyo Kiiska Sarkaal Ikraan Tahliil Faarax ayaa u magacaabay Guddi Qaran oo ay hoggaaminayaan Xeer Ilaaliyaha Guud ee Qaranka iyo Xeer Ilaaliyaha Guud ee Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sida. ” Sidaa ayaa lagu yidhi qoraal lagu daabacay bogga Madaxtooyada Soomaaliya.
Magacaabista Guddigan uu magacaabay Farmaajo, ayaa imaaneysa xili isla kiiskan uu Guddiga baadhitaan ka u magaacabay ay isaga iyo Raysal-wasaarahe Rooble isku khilaafeen, lamana oga waxa xiligaan ku dhaliyay in Farmaajo uu magacaabo guddigan sameynaya baadhitaan ka qaran ee kiiska Ikraan Tahliil Faarax oo ka tirsanayd Hay’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qarankaee NISA, laguna eedeeyey in isla Saraakiisha NISA dileen. Waxaanu Farmaajo diiday oo ay isku khilaafeen Rooble xilkaqaadista Agaasimihii NISA Fahad Yaasiin oo uu isla xil lataliyennimo Farmaajo u magacaabay.
Guddigan oo uu awood ku leeyahay Ninka uj Farmaajo u magacaabay Agaasimaha NISA Yaasiin Faray oo uu sheegay in xubin Guddiga ka mid ah uu soo magacaabayo, ayaa ka mid ah eedaysanayaasha loo haysto Kiiska Ikraan Tahliil. Sidaa awgeedna, waxa loo arkaa Guddigan mid uu Farmaajo ku marin habaabinayo Kiiska Ikraan, maaddaama oo dadka lagu tuhunsanaa kiiskeeda door ka siiyey baadhista oo hore ay caqabado ula kulmeen Guddi Raysal-wasaare Rooble ugu xilsaaray kiiska.
Qoraalka magacaabista Guddigan Farmaajo sameeyey ee ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay warbaahinta aftahannews.com kaga bogo warqaddan hoos kaaga muuqata:-