Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga oo Qalab lagu Kaydiyo Tallaalka Gobollada u Kala Dirtay

Hargeysa (aftahannews):- Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga ee Somaliland, ayaa maanta gobollada dalka u kala dirtay Agab loogu tala-galay in lagu keydiyo Daawooyinka tallaalka Xoolaha.

Qalabka oo ah Qaboojiyeyaal lagu ilaalinayo tayada daawooyinka tallaalka ah ee Xoolaha dalka, waxa munaasibadda loogu kala dirayey gobollada dalka goob-joog ka ahaa wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo horumarinta Kalluumaysiga Md Siciid Sulub Maxamed oo ay weheliyaan masuuliyiin ka tirsan Wasaaradda.

Ugu horeyn, waxa munaasibadda agabka lagu kala diray ka hadlay Agaasimaha Waaxda Caafimaadka Xoolaha ee Wasaaradda Dr Axmed Haybe Warsame oo sheegay in wasaaraddu baahi weyn u qabtay qaboojiyeyaasha lagu keydinayo tallaalka Xoolaha oo wata agabka korontada laga dhaliyo qorraxda, kuwaas oo ay wasaaradda ugu deeqday Hay’adda cuntada iyo Beeraha u qaabilsan Qaramada Midoobay ee FAO.

Tallaagadaha wasaaradda loogu deeqay oo tiradoodu 24 tahay ayaa loo qayb-galiyey lixda gobol ee waaweyn ee degmooyinka hoos-yimaadda, waxaanu Agaasimuhu sheegay inay wax weyn ka qabanayaan caqabado badan oo Wasaaradda ka haystay gaadhsiinta daawooyinka ee gobollada dalka.

Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha iyo Horumarinta Kalluumaysiga Md Siciid Sulub Maxamed ayaa dhankiisa sheegay in wasaaraddu dedaal ugu jirto sidii ay kor-ugu qaadi lahayd una kobcin lahayd adeegyada Caafimaad ee Xoolaha oo udub-dhexaad u ah Dhaqaalaha Dalka.

“Maka tallaalku jiro ee gobollada dalka loo baxo, waxa dhakhaatiirka dhib ka haysataa dawooyinka oo aan xamilaynin talaagad la’aan, markaa waxa daruuri noqotay in goob kasta oo dalka ah oo xooluhu joogaan laga helo tallaagad shaqaynaysa oo dawadu ku jirto,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Siciid Sulub Maxamed.

Warkan sidoo kale waxaan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Aftahannews.com

aftahanmursal@gmail.com.