Kooxaha Liverpool Iyo Atletico Madrid Oo Xasuuqay Dhiggoodda Leed United Iyo Espanyol

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa gaadhay guusheedii saddexaad ee xilli ciyaareedkan bilowga  ah kaddib markii ay 3-0 kaga soo adkaatay toban ciyaartoy oo Leeds United ah oo ay marti ugu ahayd Elland Road.

Mohamed Salah ayaa Liverpool hoggaanka u dhiibay waqti hore, waxaana midka labaad ku daray Fabinho bilowga qaybta labaad iyadoo ay Leeds ku dhamaysatay ciyaarta toban laacib oo kaadh cas laga siiyey difaacooda Struijk oo qalad xun ku galay Elliott.

Dhinaca kale, Kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ayaa guul ay ku dhibaatootay ka gaadhay Espanyol oo ay kaga  adkaatay 2-1 ciyaar socotay 102 daqiiqadood oo dhamaadkii uu yimid goolka guusha.

Atletico Madrid ayaa maanta safar ku tagtay magaalada Barcelona oo ay marti ugu ahayd Espanyol iyadoo uu kusoo bilowday weeraryahanka reer  France ee Antoine Griezmann oo dib ugu soo laabtay Atletico laba sannadood oo uu kaga maqnaa Barcelona kaddib.

Kooxda martida ahayd ee Espanyol ayaa gool la hormartay daqiiqaddii 40aad ee qaybta hore markaas oo kubbad koorne ahayd uu madax ku qabtay Raul de Tomas, hase yeeshee kulanka oo waqtiyo badan la istaajiyey ayay Atletico heshay gool daqiiqaddii 56aad waxaana dhaliyey Thomas Lemar hase yeeshee waa laga diiday kaddib markii laga soo daawaday VAR oo caddaysay inuu ku jiray offside.

Yannick Carrasco ayaa daqiiqaddii 77aad goolka barbarraha  u keenay Atletico Madrid kaddib kubbad muddo ku jirtay xereda ganaaxa Espanyol oo difaacu ay iska saari kari waayeen, taas oo ku toogtay lugta bidix  xilli ay Espanyol ku doodaysay in qalad lagu galay mid ka mid ah difaacyahanneeda.