Ferguson Oo Ka Hadlay Sidii Ronaldo Ugu Qanciyey Manchester United

Sir Alex Ferguson ayaa ugu dambayn xaqiijiyey doorkii uu ku lahaa in uu Cristiano Ronaldo dib ugu soo noqdo Manchester United, xilli uu laacibkani laba gool ka  dhaliyey kulankiisii koowaad ee uu u safro kooxdan soo laabashadiisa cusub.

Halyeyga Manchester  United ee Sir Alex Ferguson ayaa la fahamsan yahay inuu si shaqsi ah telefoon ugula xidhiidhay Ronaldo, hadalkii dhex-marayna uu sabab u noqday in uu xiddiga reer Portugal ku qanco inuu kusoo noqdo Old Trafford iyadoo ay waqtigaas suuqa ku jirtay hadal hayn ah inuu tegayo Manchester City.

Sir Alex Ferguson oo warbaahintu la kulantay kaddib kulankii Manchester United ay 4-1ku garaacday Newcastle United oo uu laba ka mid ah goolasha dhaliyey Cristiano Ronaldo, waxa wax laga weydiiyey kaalintii uu ka  qaatay in Ronaldo soo noqdo.

Viaplay oo waraysi kooban la yeelatay Ferguson ayaa waxa uu yidhi: “Waan ku faraxsanahay sida  qof kasta oo kale uu ugu faraxsan yahay. Illaa shalay subaxii markii lasoo toosay ayaa la sugayay. Waxa aan la hadlayaa dhamaan taageereyaasha oo aan u sheegayaa, inay tahay maalin ku weyn Manchester United.

“Dad badan ayaa kaalin ka  qaatay inuu soo noqdo Ronaldo, aniguna waxaan ku darsaday qaybtayda maadaama aan si dhab ah u garanayay in Cristiano uu doonayay inuu yimaaddo halkan, taas ayaana  muhiim ahayd. Si fiican ayaan uga shaqeeyey [soo laabashadiisa].”

Sir Alex Ferguson oo la weydiiyey sababta uu uga shaqeeyey in Ronaldo uu dib usoo noqdo, waxa uu ku jawaabay: “Ma odhan karayo waa dareen laakiin aniga ayaa ku faraxsanaa, sababtuna waxay tahay, ma aanan qiyaasi karaynin isaga oo u ciyaaraya Man City, mana filayo inuu qofna sidaas qiyaasi karayay.

“Sidaas darteed ayaan u qaaday tallaabooyin aan ku xaqiijinayo inuu halkan yimaaddo, kooxduna si fiican ayay ula socotay. Waxa aan la hadlay Glazers waana la dhameeyey.”

Intaas kaddib waxa uu Ferguson sharraxay waxa  laga filanayo Ronaldo, waxaanu yidhi: “Waxay ila tahay inuu saamayn ku yeelan doono kooxda gaar ahaan ciyaartoyda da’yarta ah, waxaanu leeyahay khibrad uu kula tacaalo munaasibadaha.”