Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi “Mar Walba Somaliland Diyaar-Bay U Tahay Inay Caawiso Soomaaliya…”

Hargeysa, (Aftahannews)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayay xaflada qalinjabinta Jaamacadda Camuud, ayaa sheegay in hadii dowlada Soomaaliya ay ogolaan lahayd jiritaanka Somaliland, ay Somaliland caawimo ka gaysan lahayd dhibaatooyinka ka dhaca Soomaaliya.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Soomaalidu tahay walaalaha ugu xiga ee reer Somaliland leeyihiin, isla markaana Somaliland ay caawimo ka gaysatay dhibaatooyin badan oo Soomaaliya ka dhacay, isla markaana Somaliland diyaar u tahay in ay siiwado caawimada lakin maamulka la kala leeyahay.

“Maanta isku sheegi mayno waxa Geeska Afrika ka dhacay, dad Soomaali baynu iskugu xignaayo waa walaalaheen, wanaagooda ayaynu jecelnahay, dhibaatada gaadhaa waa dhibaato walalka gaadhay, inagoon dhaqaale haynin markasta oo masiibo dabiici ahi ku timaado Soomaaliya mucaawimo ayaynu iska goyna inagoo eegayna waxaynu isku nahay” ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

“Marwalba diyaar ayaynu u nahay in aynu ku caawino wixii aynu ku tari karno, lakiin waxan leeyahay talada waala kala leeyahay, tana dhisantay hadii aad nala dhisi lahaydeen in ay wanaagsaato oo aad qaska kadayn lahaydeen adna waxbay ku tari lahayd anaguna intan in kabadan ayaanu qaadi lahayn”  ayuu hadalkiisa ku daray.

Madaxweynaha ayaa hadalkan ka jeediyay  xaflada qalinjabinta dufcadii 20aad ee ka baxda Jaamacadda Camuud oo tiradoodu dhantahay 995.