Raysal-wasaaraha Soomaaliya oo kulan la yeeshay Saraakiil Talyaaniga ka socda

Muqdisho(Aftahannews):- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka ee Soomaaliya Mudane Cabdiweli Sheekh Axmed Maxamed ayaa maanta Xafiiskiisa ku qaabilay Taliyaha guud ee Ciidamadda Talyaaniga u qaabilsan hawlgalada dibedda oo Soomaaliya kamid tahay general Batarooni.

118

48 58 68 78 88 118

Kulanka Ra’iisul Wasaaraha iyo Taliyaha oo uu goob-joog ka ahaa Wasiirka Difaaca Soomaaliya ayaa diiradda lagu saaray arrimaha ammaanka dalka, tababarada iyo taageerada ay dawladda Talyaanigu siiso Ciidamadda Soomaaliya.

“Talyaanigu waa saaxiibo in muddo ah taageero noo fidinayey, kulankaana wuxuu sii xoojinayaa xiriirka taariikhiga ah ee labada dal. Waxayna dhowr jeer oo hore ugu deeqeen ciidamada qalabka qalab iyo tababaro ay siiyeen ciidamada. Waxaana hadda dalka ku sugan khubaro dhanka ciidamada ah oo naga taageera dhanka tababarada Ciidamadeena”ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya Mudane Maxamed Xasan Xaamud oo kulanka kaddib shir Jaraa’id saxaafadda u qabtay ayaa sheegay in Ra’iisul Wasaaraha iyo Taliyuhu ay ka wada hadleen sidii loo dar-dar gelin lahaa taageerada dhanka Millatariga ee dawladda Talyaanigu siiso Soomaaliya.

“Maanta magaalada Muqdisho waxaa nagu soo booqday Jeneraal Bataroni oo ka socday dalka Talyaaniga kaasoo ah u qeybsanaha dawladda Talyaaniga ee hawlgalada dibeddda, sidaad la socotaana Soomaaliya waxaa ka jooga Talyaaniga saraakiil tababar siiya Ciidamadeena, waxaana isla soo qaadnay sidii loo xoojin lahaa xiriirka dhanka milateriga ee ka dhaxeeya labada dal” ayuu yiri Wasiirka Gaashaandhiga Soomaaliya oo dhinaca kale sheegay in dawladda Talyaanigu ay ballan qaaday kordhinta taageerada ay dawladda Soomaaliya siiyaan.

Dhanka kale Wasiirka Gaashaandhiga. Maxamed Xasan Xaamud ayaa ka hadlay dagaaladii shalay ka dhacay magaalada Beled-xaawo ee gobolka Gedo kuwaas oo ay ku dhinteen tiro dad ah oo iskugu jira shacab iyo dhinacyadii dagaalamayay.

“Waxaan halkaan tacsi uga dirayaa ehelada dadkii ku dhintay dagaalkii shalay, kuwii ku dhaawacmayna waxaan Alle uga baryaynaa inuu caafimaad siiyo, waxaan ugu baaqayaa dhinacyada ku dagaalamay Beled-xaawo inay joojiyaan dagaalka kana qeyb qaataan sidii colaadaas looga hortagi lahaa” ayuu yiri Wasiirka oo dhanka kale beeniyay Ciidamadda dawladda Soomaaliya inay ku lug-leeyihiin dagaaladii shalay dhacay.

Wasiirka ayaa sheegay dagaalada ka dhacaya magaalada Beled-xaawo inay fursad siin karaan kooxaha Al-shabaab inay markale is abaabulaan, iskuna dayaan in ay gacanta ku dhigaan magaalada.

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.