Xukuumadda Spain Oo Qirtay Khalad Ay Ka Gashay Ciyaaryahan Messi

Lionel Messi uma qalmaynin inuu kga tago Barcelona sidii dhacday xagaagan ee isagoo ilmaynaya oo murugaysan, isla markaana aan raalli ka ahayn loogu qasbay inuu ka baxo Camp Nou iyo horyaalka LaLiga, waxaana jiri karayey siyaabo kale oo ka fiicnaa oo uu ku tegi karayay.

Sidan waxa sheegay Madaxweynaha horyaalka LaLiga ee Javier Tebas oo qiray in qalad laga galay xiddiga reer Argentina oo doonayay inuu sii joogo Camp Nou.

Barcelona ayaa isku dayday inay heshiis cusub ka saxeexdo Lionel Messi xilli uu dhamaaday qandaraaskiisa hore, laakiin waxay awoodi waayeen in ay heshiis siiyaan iyadoo uu kabtankooda horena doonayay in uu sii joog, balse dhibaatada dhaqaale xumada ee haysata iyo shuruucda aan dabaca lahayn ee horyaalka LaLiga ee dhinaca maaliyadda ayaa sababtay inuu hirgeliyo waayo heshiisku.

Tebas oo waraysi bixiyey ayaa qiray in horyaalka LaLiga ay dhaawac ku tahay inuu ka tegay xiddiga lixda jeer ku guuleystay abaal-marinta Ballon d’Or ee Lionel Messi, waxaanu yidhi: “Sidii markii ay tageen Cristiano Ronaldo, Pep Guardiola ama Jose Mourinho, waxaanu ogeyn in ay tani [tegista Messi] ay maalin uun dhici doonto.

“Nasiib ayaanu u yeelanay in aanu labada ciyaartoy ee ugu wanaagsanaa kubadda cagta adduunka aanu ku haysano labada kooxood ee ugu wanaagsan adduunyada, horyaal ahaanna waxaanu uga  faa’iidaysanay in aanu laynka hore ka galno adduunyada.

“Laga yaabaa in tegitaanka Messi uu ahaa mid xanuun badan, sababtoo ah, anigu shaqsiyan waxaan u tixgeliyaa inuu yahay ciyaartoygii ugu wanaagsanaa taariikhda, umana qalmaynin inuu sidaas ku tago, kaliya ma aha Barca balse sidookale LaLiga.”