Somaliland: Natiijada Imtixaanka Shahaadiga Ah Ee Dugsiyada Dhexe Iyo Sare Oo Maanta Lagu Dhawaaqay

Hargeysa, (Aftahannews)-Imtaxanaadka shahaadiga ah ee Somaliland guud ahaan isku darka dugsiyada sare iyo hoose dhexe, waxa u fadhiistay, 32,757 arday, waxa gudbay  31,645 arday, halka ay dhaceen 1,112 arday.


Guddoomiyaha Xafiiska Imtaxaanadka Somaliland Da’uud Axmed Faarax, ayaa warbaahinta u akhriyay tirada natiijada imtaxaanadka dugsiyada hoose dhexe iyo dugsiyada sare.