Agaasimaha Warfaafinta: Masuul ku Caan baxay ka soo bixista Hawsha loo diro

Faallo: Siciid Khadar Cabdillaahi . Madaxwaynaha Jamhuuriyada Somailand, Md.Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa 2da Bisha May ee Sannadkan, Maxamed Cilmi Aaden u Magacaabay Xilka uu Maanta hayo ee ah, Agaasimaha guud ee Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland. Dad badan, ayaa soo dhaweeyey Xilka loo Magacaabay Agaasime, Maxamed Cilmi oo lagu Naanayso “ILka Case”.

ilkacase

Soo dhawayntaasi ma ahayn, mid iska timid, ma ahayn, mid laab-la-kac ah oo ay ku deg degeen, mana ahayn, mid ay Maqleen ama looga sheekeeyey, waxayse ahayd mid ku dhisan Aqoonta ay u Leeyihiin Shaqsiyadiisa, Kartidiisa iyo dedaalka badan ee uu leeyahay. Qaybo kale oo ka mid ah Bulshada Reer Somaliland (ku dhaqan Gudaha iyo Dibada Dalka) ayaa isla markii ay arkeen Wareegtadii Xilkaasi loogu Magacaabay,

Waxa Maskaxdooda ku soo dhacday oo ay Xasuusteen, Kaalintii uu ku lahaa, Jihaadkii adkaa ee Xisbiga Kulmiye u soo maray Hannashada Kursiga M/tooyada ee uu Maanta ku fadhiyo. Maxamed ilka Case, waxa uu ahaa mid ka mid ah Rukunadii ugu adkaa ee uu ku taagnaa Xisbiga Kulmiye oo waqtigaa ahaa Mucaaridka Dalka ugu wayn.

Waxa aan la ilaabi karayn Saaxiibtinimadii waynayd ee ka dhaxeeysay Xisbiga Kulmiye iyo Bahda Warbaahinta Madaxa Bannaan ee Dalka. Waxana Xaqiiqo ah in Saaxiibtinimadaasi ay ahayd ta aakhirkii keentay Guusha Xisbiga Kulmiye ku Hantiyay Madaxtooyada Dalka.

Hadaba, ILka Case, waxa uu ahaa Xadhigii ugu waynaa ee isku hayay Saxaafada iyo Xisbiga, isaga oo waqti badan ahaa, Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbigaasi. Maxamed Cilmi Aaden “ilka Case” waxa uu noqday Halyay Safka hore ka gala, Masuuiyiinta Dhallinta yare ee ku jira Xukuumada Madaxwayne Siilaanyo. Waxa uu ku biiray Dhallinta ay tiradoodu yar tahay ee loo soo xulay gudashada Kaalinta Dhallinyaradu ku leeyihiin Hogaaminta Dalka Somalaliland.

U malayn mayo in Dambi iga raacayo, hadaan idhaahdo, Bulshada Reer Somaliland, Dhallin-yar ayay u badan tahay ama Boqolkiiba Sideetan waa Da’a yar. Waa Nin Farxad badan, Qosol badan oo Waji Furan. Haa, waa Runtay! Waa Nin Sifooyinkaasi ay ku kulmeen.

Aniga oo aan Faan ka dhigaynin, Waa nin Rabi hibo u siiyay Qancinta Dadka. Qofkasta oo la kulmaana inta badan kama soo noqdo iyada oo aanu qancin. Sidoo kale, waa Nin Labis qurxoon, mar walabana ku taagan Labis ka qurux badan kii uu hore u xidhnaa.

Mar walba Taygu qoortiisa ka muuqdo, Dhexda ka xidhan oo widh widhaya. Malaha waabay yar yihiin, Masuuliyiinta Xukuumada ku jirta oo qaabkiisa u labisataa. waa Nin karti badan, Xilalka kala duwan ee loo Magacaabay ayaad ka aragtaa. Xilal kala duwan kala culus oo ay yar tahay Cid ka soo baxdaa ayaa Kolba loo Xil saaraa.

Muddadii ay jirtay Xukuumada Kulmiye, Masuulkani waxa uu fadhiistay Seddex Xafiis oo Shaqadoodu ay aad u kala duwan tahay. Markii uu Madaxwayne Siilaanyo ku guulaystay Tallada Dalka, Maxamed wuxuu u Magacaabay Agaasimaha Xafiiska Protocol-ka.

Muddo markii uu Xafiiskaa joogay, waxa loo bedelay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Kalluumaysiga Somaliland. Waa halkii Wareegtooyinka Madaxwaynehee, Sifaha Dawladnimo ayay Dabcigiisu yahay isku bedel,Eryid iyo Magacaabid intaba. U fiirso Maxamed, waa la bedelee, Macnaheedu waxa weeyi, Xil uu kaga haboon yahay ayaa muuqday.

Sababtoo ah, Hadii uu ku fashilmi lahaa lama badeleen ee waa la Eryi lahaa. Akhriste, taasi ma Been baan ka sheegay !! Labadii hore si sharaf, Maamuus iyo Xil-gudasho leh ayuu uga soo baxay. Horumarkii uu gaadhsiiyayna Diiwaanka ayay ugu jirtaa oo ma aha wax la dafiri karo. Xilkan Cusubna waxay u dhaw dahay in uu mariyo Waddadii kuwaasi hore ay mareen oo ah Guul, Gobonimo,Sharaf iyo Horumar la taaban karo.

Cilmi Aaden, Innankiisa Maxamed, waxa Saaxada Siyaasada markii u horaysay lagu arkay Sannadkii 2010kii, wax yar ka dib, markii uu iska calisay Xilkii uu ka hayay Hay’ada Wadaniga ah ee Havayoco. Hay’adaasi oo uu ka mid ahaa Raggii dhibada u taagay ee aas aasay isla markaana Horumar wayn soo gaadhsiiyay.

Taaba galiyay isla markaana keenay Guulo badan oo Ha’yadaasi Maanta ku faanto. Dadka Dhalliilaana, Candhuufta ayay dib u liqeen, waqtigaa, markay arkeen sida uu markiiba uga dhex muuqday, Baarqabkii Kulmiye uu ku biiray. Iyaga oo ka filayay in uu ku dhex asqoobo oo ku dhex go’doomo Ragga Miisaanka Culus ee uu Meesha ugu tagay. Hasa yeeshee waxa uu noqday Nin sidaasi ka duwanaada.

waxaanuo markaba noqday Maamulihii Xafiiska Warbaahinta ee Xisbiga Kulmiye. Waxa uu noqday Nin karti badan, Dedaal badan, Daacad ah, Jihaadka dhankiisa ka gala, ma daale ah oo aan libiqsanayn. Isaga oo ku guulaystay in uu dhidibada u taago Saaxiibtinimo Balaadhan oo dhex marta Kulmiye iyo Saxaafada.

Ugu dambayn, Maxamed ilka Case, waa Nin laga filan karo in uu Meesha ka saaro, Khilaafka ka dhex oogan, Wasaarada Warfaafinta. Waa khilaafka u dhaxeeya qaar ka mid ah Masuuliyiinta Wasaaradaasi dhexdooda ama qaar ka mid ah Shaqaalaha iyo qaar ka mid ah Masuuliyiinta Wasaaradaasi. waa Khilaafka ragaadiyay Habsami-u-socodkii Hawlaha Wasaarada ama meesha ka saaray qorshayaal Horumarineed oo wasaaradu ku talaabsan lahayd.

Waa khilaafka sahayday Masuuliyiin badan oo Xafiiska uga soo horeeyey. Masuuliyiintaasi oo iskugu jiray Agaasimayaal guud iyo Wasiiraba. Aniga iyo inta ila fikirka ahina waxaanu u rajaynaynaa in Eebe u fududeeyo Guushaasi isla markaana uu noqdo mid isku soo dhaweeya Masuuliyiinta iyo Shaqaalaha isla markaana Xashiishka ku daro Khilaafka meesha ka jira.

Weriye, Siciid Khadar Cabdillaahi

muxaafid@gmail.com

Hargeysa/ Somaliland