Guddoomiyihii Shirkadda GCI ee Wadday Dhismaha Waddada Bypass ee Waqooyiga Hargeysa oo Qalab ula Baxsaday Puntland

Gaadiidka Waddada Pypass lagu dhisayo
Gaadiidka Waddada Pypass lagu dhisayo

Shirkaddii qaadatay dhismaha wadada Waqooyiga ka maraysa Magaalada Hargeysa ee dhererkeedu ahaa 22.5KM ee  Hargeysa Bypass oo magaceeda la yidhaahdo GCI.

Gaadiidka Waddada Pypass lagu dhisayo
Gaadiidka Waddada Pypass lagu dhisayo

Ninkaas oo lagu magacaabo Cabdiraxmaan Xuseen Maxamed ayaa mashruuca ku qaatay si aan waafaqsanayn shuruucda qandaraas bixinta caalamiga ah, waxa uu isticmaalay xirfad uu soo koobay magaca shirkad uu hore uga baxay oo la odhan jiray GCI (Golden Cara Investment and Construction).

Taasoo uu isticmaalay profilekeeda markii uu ku helay mashruuciinii uu u badalay magacii GCI (Great Construction International) kadibna ay ogaadeen qoladii mashruuca bixisay iyo wasaarada maaliyada Somaliland, baadhis mudo dheer socotay kadib wuxuu ogaaday in la fahmay wax isdaba marintiisi iyo khiyaanada uu ku kacay, sidaasi darteedna qalabkii wadada sedex meelood qeyb ka mid ah ayuu ula fakaday dhinaca Puntland,  taasoo ay xaqiijiyeen dad u sugan Puntland.  

Iyadoo aanay haba yaraatee shirkada la shuraakada ah ee shiinaha ahayd aanay waxba ka ogeyn iyadoo maalmahan dambe ay soo ifbaxayso inuu lacagna kala goostay shirkada shiinaha ah. 

Shirkada GCI, ayaa iyadu hore ugu guulaysatay dhismaha wadada bypass taas oo dhererkeedu dhan yahay 22.5KM lacagta lagu dhisaayo wadada ayaa lagu sheegay in ay tahay 17 Milyan oo Dollar, waxana bixinaysa Dawlada Ingiriiska (UK).

Madaxweynaha Somaliland iyo Xubno kale
Madaxweynaha Somaliland iyo Xubno kale

4 May, 2021 ayaa xaflad balaadhan lagu oo lagu dhagax Dhigaayay dhismaha wadada lagu qabtay, xarunta shirkada GCI ku leedahay Deegaanka Halayo, waxana xaflada ka soo qayb galay Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Safiirka Dawlada Ingiriiska ee Soomaaliya iyo madax kale oo badan.

Shirkadda GCI, oo qaadatay dhismaha wadada Bypass ayaa waxa ka muuqday in ay si caga jiida u waday dhismaha wadada lamana garaanyo sababta keentay, sido kalena waxa dhowr jeer cabasho ka muujiyay qaar ka mid ah shaqaalaha kala duwan ee ka shaqaynaayay dhismaha wadada. 

Masuuliyiintii shirkada GCI, ayaan ilaa hada ka hadal sababta  keentay in qalabkii wadadu lahayd loo raro dhinaca Puntland. 

Sidoo kale, Wasaaradda Gaadiidka iyo horumarinta jidadka Somaliland iyo gudida Berbera Coridor ayaan ka hadlin dhacdadan fadeexada ku ah qaranimada Somaliland.

Dawlada Puntland, ayaa loo dheg taagaya talaabada ay ka qaado, qalabka lagu dhisaayay wadada Hargeysa ee shirkada GCI ula soo baxsatay dhinaca Puntland. 

Sidoo kale, Somaliland iyo Puntland ayaa waxa ka dhexeeya iskaashi dhinaca Amaanka ah, gaar ahaana wixii hanti ah ee lala soo galo labada dhinac mid ahaan in laysku celiyo taasoo la filayo in hay’ada amniga ee Somaliland ay xidhiidh la sameyn doonaan dhigooda maamulka puntland.

Qore: Maxamed Deeq Jaamac (Hanti Qaran).

Qormadan xogteeda, xiiseheeda, wanaag, xumaan, dhib iyo dheefba waxa masuuliyaddeeda leh Qoraha magiciisu ku qoran yahay. Masuuliyadda warbaahinta aftahannews.com ka saarani keliya waa dhiirrigelinta qoraalka iyo aragti dhiibashada Dastuurka dalka iyo xeerarka caalamiga ahiba u dammaanad qaadeen Bulshada.