Somaliland oo Xabsiga ka sii deysay Rag u Xidhnaa Argagixisannimo

Hargeysa (Aftahannews) – Xukuumadda Somaliland, ayaa xabsiga ka sii daysay 5 nin oo falal argagixiso ugu xidhnaa Xabsiga Dhexe ee Magaalada Hargeysa, kuwaasi oo qaarkood muddo 20 sano ku dhaw xabsiga ku jireen.

Ragga la siidaayay ayaa waxa ka mid ah Cabdiraxmaan Indha-cadde, Daa’uud Saalax Iidle, Jaamac Kuutiye iyo Cabdiraxmaan Diyo, kuwaasi oo u xidhnaa eedaymo ah  oo lagu helay in ay ka danbeeyeen falal Argagixisanimo oo sanadkii 2003 lagu dilay gabadh Talyaani ah oo kalkaliso caafimaad ka ahayd Cisbitaalka Boorama, iyo macalimiin ajanabi ahaa oo wax ka dhigi jiray dugsiga Sos ee magaalada Sheekh.

Cabdiraxman Indha-cadde oo markii la soo daayey la hadlay Telefiishanka Somali Cable, ayaa ka hadlay sida loo soo daayey “Aad baan ugu mahad celinayaa dadkii soodayntayda ka qayb qaatay, waxaan xidhnaa 17 sano, cafis Madaxweyne ayaan ku soo baxay, saddex nin oo saxiibaday ka mid ah ayaa xorriyaddooda helay” ayuu yidhi Cabdiraxman Indha-cadde.

Waxa kale oo la sii daayay Cabdillaahi Maxamuud Yuusuf oo muddo 3 sano iyo 7 bilood ah xabsiga ugu jiray danbiyo la xidhiidha in uu ku lug leeyahay ururka Daacish, ee ka dagaalama gobolo Adduunka ka mid oo Soomaaliya ku jirto, waxaanu Madaxweynaha Somaliland uga Mahad-celiyey soo dayntiisa.

“Marka hore Alle ayaa mahad iska leh, waxa kale oo aan u mahad celinayaa madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, aad iyo aad ayaad u mahadsantahay ayaan ku leeyahay mudane Madaxweyne, raganimo ayaad na tustay ayaanu ku leenahay, Soomaalina tusaale ayaad u noqonaysa ” ayuu yidhi Cabdillaahi Maxamuud Yuusuf

Ragga la siidaayey oo qaarkood la xidhay xilligii Xukuumaddi Madaxweyne Daahir Rayaale Kaahin, ayaa wakhti hore dhamaystay Xukunkii Maxkamaduhu ku rideen, laakiin waxay ku muddo-dhaafeen Xabsiga.