Madaxda Dhaqanka Soomaaliya oo ku dhawaaqay Weedho ay ku taageereen gooni-isu-taagga Somaliland

Hargeysa(Aftahanews):- Odayaasha Dhaqanka Soomaaliya ee magaalada Hargeysa ku sugan muddo toddobaad ah, ayaa maanta shaaca ka qaaday inay dadkooda iyo dalkooda kula noqonayaan in Somaliland waxay rabto ee aqoonsiga ah la siiyo, isla markaana lagu taageero gooni-isu-taaggooda iyo waxa ay qabsadeen.

ODAYAASHA DHAQANKA SOOMAALIYA HARGEYSA JOOGASuldaanka-Daarood

Guddoomiyaha Dhaqanka Digil iyo Mirifleindex6

Madax-dhaqameedka Soomaaliya ka socda oo Arbacadii toddobaadkii hore soo gaadhay magaalada Hargeysa ka dib markii ay isla maalintaas Muqdisho ka soo ambabaxeen, ayaa intii ay joogeen waxay kulammo kala duwan la yeesheen Odayaasha Dhaqanka Somaliland, Xisbiyada Mucaaridka ah iyo Ururrada Bulshada, waxaanay sheegeen inay kulammadaas uga soo baxday inay reer Somaliland u midaysan yihiin qaddiyadda gooni-isu-taaggooda, wax badanna ay qabsadeen, sidaa daraaddeedna aanay iyaguna inkirayn ee ay kala shaqaynaan helitaanka rabitaankooda.

Dhawr ka mid ah Madax-dhaqameedka Soomaaliya ka yimi ee Hargeysa ku sugan, ayaa kulan Qado-sharaf ah oo ay Arbacadii maanta la yeesheen Salaaddiinta Somaliland, waxay ku sheegeen qaarkood inay gooni-isu-taagga Somaliland u codeeyeen. Haddaba, hadallo qiimo badan oo ay Oday-dhaqameedyadaasi ka jeediyeen kulanka ay maanta Hargeysa kula yeesheen Salaaddiinta Somaliland ka dhegayso halkan hoose ee Aftahan Radio.

aftahaninc@mail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.