Golaha Siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland oo Baaq u soo jeediyay Ra’iisal Wasaare Rooble iyo Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada

Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi

Muqdisho (Aftahannews) – Golaha siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ee ku sugan Soomaaliya, oo uu horkacayo guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdullaahi, ayaa raysal wasaaraha Soomaaliya iyo madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ugu baaqay in ay xal u raadiyaan khilaafka ka taagan doorashada xildhibaannada gobolada waqooyi.

Siyaasiyiinta Somaliland, waxay codsadeen in loo dhiso guddoon reer Waqooyi ah oo maamula doorashada sidoo kalena la mideeyo labada dhinac ee guddiga doorashada Somaliland oo kala jabay, yeeshay labo guddoon.

Hadalka golaha siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland, ayaa ku soo beegmaya xilli uu maanta Muqdisho ka furmay shirka wadatashiga arrimaha doorashada Soomaaliya oo lagaga hadlayay diyaarinta habraaca doorashada aqalka hoose.