“Dulucda Dooddani Arrimo Diimeed Maaha ee Dano kale ayaa ku Lammaan!”

Maxamuud Axmed Baarcad
Maxamuud Axmed Baarcad

Qore: Komishineer Maxamuud Axmed Baarcad, oo ka mid ah Guddiga Qandaraasyada Qaranka.

Maxamuud Axmed Baarcad
Maxamuud Axmed Baarcad

“Somaliland intay ku soo biirtay barashada maadigu ardayda inta badan hogaanka noqotaa waxay ka soo aflaxeen jaamacaddo Dalal shisheeye ku yaal oo ay macalimiin ka yihiin dad aan Diinta Islaamka ehel u ahayn, bal kaw dheh haldoorkeena inta ugu badan waxa wax soo baray barayaal ajaanib ah haddana waa mudayaal/Marwooyin Diintooda iyo dhaqankoodaba ku adag, wali mala arkay hablo iyo wiilal waalidkood ka dayriyeen oo Diin kale qaatay iyagoo iskuulka Abaarso loo nisbaynaayo ama jaamacado dibadeedba.

Ethiopia ayey ardaydeenu maalin walba waxbarasho u tagaan ee maxay u soo gaalaabi waayeen, India iyo dalal kale ayey u tagaan ee maxay masiixi u soo noqon waayey hadday doodu tahay cilmigaa loo gabanayaa ubadkeena..

Xisaabta malagu darsaday inay caruurteenu soo hanuunin karaan macalimiinta ajaanibka ah ee dalkeena wax ka dhiga. Dhawrkii sano ee u danbeyeyba iskuulka Abaarso ayaa diirad lagu hayay haddana wali lama hayo qayla dhaan ka timi waalidka ay ubadkoodu wax ka bartaan.

Shabakadda Waxbarashada ee Abaarso oo ay ka mid tahay  Jaamacadda Barwaaqo, waxa ay dalkan da’yartiisa u sahleen in loo diyaariyo in wax ay ka baran karaan Jaamacaddaha aduunka ugu tayada sareeya.

Arday badan oo ka aflaxay Jaamacaddahaasi maanta dalka ayey kusoo laabteen, tayada aqooneed ee ay xambaarsanyihiina waa mid la arkay oo markhaati laga wada yahay.

Dadka kusoo dhuumanaya shaadh diineed ama dhaqan si ay wax u yeelaana una ceebeeyaan dalkan iyo dadka reer Somaliland kama duwana  kuwo ka badheedhay in ay dhaawacaan danaha Qarankan!

30-sanno Dawladnimadii lasoo dhisayey dad baa maanta jecel in saacad lagu burburiyo oo Dalku dib ugu noqdo Qax, burbur iyo Silicii hore loo soo dhadhamiyey.

Qarankana waa yaqaan sida danihiisa loo ilaashado, cidna laga yeeli maayo in sharfta Qarankan iyo ta caruurtiisa wax la yeelo.”

Komishineer Baarcad.