Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa Ka Weyn Ujeeddada Dagaalka Dhuuni-qaatayaashu!

Filed under: Aragtida Bulshada |
Horta shaqsiyaadka gabboodka ka dhigta Xarunta Dhaqanka, ee labadan muudal ka midka yihiin, ee gacmaha shisheeye lagu kuunyayo, waa xaajo-ma-yaqaanno af-garooc ahe, madhooyada halkaa ii dhig. (Colaad-doon iyo Yuusuf shiriig) “Cadow”.
Xarunta waxa lagu durayaa; gaalo ayaa timaadda, ajaanib ayaa maalmo soo galay, dadka ayaa dhaqanka lagaga bi’inayaa oo dhaqan kale ayaa lagu fidinayaa, Diinta ayaa dadka laga saarayaa oo diimo kale lagu baahinayaa, xaaraan boqol ah ayaa lagu hayaa IWM. Waa bar-kuma-taal aan sal iyo raad midna lahayn, waa qorshe lasoo maleegay, waa ujeeddo la gacan-bidixaynayo oo yool laga leeyahay, waa cay iyo af-lagaaddo loo gaysanayo bulshada waddanka, waa dhabbo jiir oo loo soo marayo sidii loo dhaawici lahaa garashada dadka iyo sumcadda waddanka.
Haa, Gaal wuu yimid, imaanshahooga ay dalka cagaha soo dhigeen ayaa qalad ah (taasi waa dood sax ah) , haddii se xarunta dhaqanka ee hargaysa ku nijaasoobayso gaal iyo khaniis baa yimid, taa micneheegu waa waddankoo dhanbaa nijaasoobay, madaarka ay kasoo dageen ku dar isna wuu nijaasoobaye, hudheellada ay dageenna ku dar iyaguna way nijaasoobeene, baabuurta hargeysa ee ay fuuleen wax kaga dar nijaasta, laamida iyo dariiqa ay mareenna waa nijaas, goobaha ay wax ka iibsadeenna sidaasay ku nijaasoobeen, madax iyo mijo dadkii ay la kulmeenna sidaasoo kale, saan-caddaale qofkii la kulmay oo dhami waa nijaas, qofka dhul gaaleed tagayna sidaasuu ku wasakhoobay (dood aad u jaban weeye).
Soomaalidu waxa ay ka simantahay jacaylka ereyga ah “waxa la yidhi sidaa iyo sidaa” markaasaa kii aqoon lagu tuhmayey iyo kii dhawaan-xoolowga ahaaba weerar hubsiimo la’aan ah qaadaan. ilayn maan-gaab ma saan qaado.
Xarunta Dhaqanka ee Hargeysa ma aha meel dhaqanka lagu baabiiyo, mana aha meel diimo kale lagu faafiyo, balaayada iyo baaska la sheegayana waxba kama jiraan. Sidoo kale xaruntani dhaqankeenna waxba kama dhinto waxbana kuma soo kordhiso, marka laga reebo bahda qalinka oo buugaag tiro badan kusoo ban-dhigta, afka soomaaliga iyo dhigaalkiisana kobcisa, sida la ogsoonyahayna dad-weynaha ku wacyi-gelisa inay qalinka u qaataan afkooga hooyo.
Caqliga caafimaadka qabaana wuu garan karaa in dhisme yar oo meel ka taagani aanuu dhaqan iyo diin midna wax yeelayn.
Bal waa yaabe! mukhbaaradaha, hudheellada macruufka ah ee saama-laylka, iyo guryaha xashiishadda iyo khamriga lagu iibiyo ee la wada ogyahay maxaa looga hadli waayey? Macsidu goobaha ay ka dhacdo maxaa looga aamusay? Hudheellada laysku arooso ee dhaqan-xumada iyo dumar qaawan lagu arkayo sidee loo ogolaaday? Goobaha Rrag iyo Dumar ku caweeyaan, ee habeen-badhka la wada fadhiyo maxaa indhaha looga qarsaday? Goob wax-barasho iyo goob caafimaad iyo goob ganacsiba gaalo way ka buuxdaaye maxaa loo qariyey?
Fidmo-wadayaasha khamiiska iyo gadhka kusoo dhuunta iyo balaayo-doonka lagu soo amray inuu mixnad ka abuuro waddanka iyo dhawaan-xoolowga wixii dhegtiisa ku dhacaba rumaysta, taag iyo tamar ay wax kaga qaadaan waddankan ma jirto.
Dhaqankeennu ma aha shay meel yaalla iyo dhisme meel ka taagan ee waxa dhaqanka sida dadka, inaad wax dhaliisho way bannaantahay balse dawga loo maro dhaliisha iyo halkay ku habboontahay la doono.
Laakiin, waxa muuqata in ujeeddada Dagaalka Dhuuni-qaatayaashu ka weyn yahay oo meesha loo socdaa tahay abuurista kacdoon Bulshada iyo dowladda Somaliland, si Qarankan 30 jiraaday looga takhalluso, waana ujeeddo meel fog ramuudka looga hayo Amma laga hagayo oo loo baahanyey inay dowladda Somaliland si buuxda uga hortagto, waxna uga qabato.
Waxa Qoray Akram Cabdalla.

You must be logged in to post a comment Login