“Waa ILLAAH mahadii mar haddii Madaxweyne Biixi uu ogyahay waxyeelada Boko Haramta Somaliland ee dalkeena ka jirta ee dacaayadaha ka fidiya waxbarashada dalka…” Siyaasi Mustafe Cabdi Ciise (Shiine):

Mustafe Shiine
Mustafe Shiine
“Waa ILLAAH mahadii mar haddii Madaxweyne Biixi uu ogyahay waxyeellada Boko Haramta Somaliland ee dalkeenna ka jirta ee dacaayadaha ka fidiya waxbarashada dalka.
Mustafe Shiine
Mustafe Shiine
Wax lagu farxo weeye in mudane Muuse Biixi uu maanta barbar taagan yahay Iskuulka Abaarso, islamarkaana u cadahay waxa uu ka doonaayo Iskuulkaa Mustaqbalka.
Boko Haram, waa urur u dhigma Shabaabka Soomaliyada aanu jaarka nahay ka jira, micnaha magacooguna waa ” Waxbarashada reer Galbeedku waa xaaraan”.
Nin Nayjeeriya oo aanu muddo yar is niqiinay oo aan Muslim ahayn ayaa ii shegay in muslimiinta dalkoodu ay yihiin kuwii ka faa’idey gumaysigii Ingiriiska oo ay ka dhaxleen waxbarasho iyo xadaarada gaaban ee dunida sida ganacsiga iyo ilbaxnimada kale halka kuwooda Kirishtaanku aanay fursadaa ka faa’ideysan, haseyeeshee ay la yaab tahay in wakhtigan casriga ah ay soo baxaan kooxo Islaamiyiin ah oo ku doodaaya in waxbarshada maadigu tahay xaaraan.
Nasiibdarada ugu weyn ee maanta Somaliland ka jirta ayaa ah in kooxo la mid ah Boko Haram ay dalkeena ka soo baxeen oo ay doonayaan in la bakhtiiyo ileyska ka iftiimay dugsiga Abarso ee soo saaray dhalinyarada badan ee hablo iyo wiilal leh ee maanta qaarkood ay fursad u heleen inay waxbarashooda sare ku soo qaataan qaar ka mid ah jaamacadaha ugu sareeya dunida, iyagoo hayaankoodii waxbarasho ka bilaabay Somaliland.
Waxaan si weyn ugu mahadcelinayaa maxadweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi oo muujiyay aragti fog oo uu ka lee yahay waxbarashada iyo kalsoonida uu ka qabo iskuulkaa oo uu sheegay inuu cagihiisa ku tegay soona arkay waxa ka jira.
Si kastaba xaalku ha noqdee waxaan lee yahay waa in sharciga la horgeeyaa cid kasta oo dacaayad raqiis ah oon cadaymo wadan ka faafisa iskuulkaasi iyo kuwa la mid ah ee dalkeena magac iyo maamuusba ugu filan”.
Qalinkii: Mustafe Shiine