Turkey: Qarax Khasaare badan oo sababay oo ka dhacay God Macdanta laga qodo

Ankara(Aftahannews):- Ra’iisul wasaaraha Turkiga, Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay in in ka badan 230 macdan qodayaal ah ay ku geeriyoodeen qarax ka dhacay goob laga qodo macdanta dhuxusha oo ku taal galbeedka Turkiga.
Turkey

Ehellada dadka ku xayiran goobta laga qodayay macdanta ayaa ka walwalsan xaaladdooda

 _74841248_07f3a1cc-050d-4c47-9da1-c608e7ab3868 _74841241_058859c2-2f89-481f-8f3e-3d47ac329423 _74839763_022248982-1 _74840850_022249147-1 _74840848_022248675-1 _74841906_f5192547-db7e-4fbe-a97d-f03a020db5cf _74842643_022251767-1 _74841908_5e5993c6-82f5-4154-b478-bfc2ce53a522 _74841910_bc7bb844-5bc9-42d6-8a0c-a8b13aa7a21a _74841912_f6d9d553-2aa5-4bec-b0c0-d4d8c7c68365 _74842647_022252191-1 _74841914_d1d37f4d-9fff-479e-9377-af4891b42d70 _74846630_de27-1 _74846611_cynarasiddiqui6 _74851308_490319203-1 _74846636_a1e86a3d-32c7-4615-8b81-206bcb7a9d4b _74842649_erdogan1 _74852149_20cfcead-5735-433b-a061-d3f1f1e8fd90 _74845188_9e790628-f581-44fd-857a-5a560a7c3b72 _74846634_48d678c4-0a85-4227-aae4-5425a84f1c96 _74851313_022254424-1 _74851311_022253463-1 _74852151_fd80901e-57d3-4fd3-ad6b-c4478a7e4c42 _74857679_f4f05602-5d75-4372-9856-d087e458f758 _74857677_022250198-1 _74852153_15dba73c-7956-4aa1-8a42-124dd0a7b05c _74858588_ec339407-17fc-4c3f-9c37-113f61e1d4c5 _74858590_022255307-1 23 140514132943_turkey_blast_304x171_bbc_nocredit

Dadka ka shaqeeya samatabixinta ayaa si weyn u baadi goobaya in ka badan200 oo macdan qodayaal ah kuwaas oo weli la la’yahay.

Boqollaal qaraabo la ah dadka ka shaqeynayay macdanta laga qodo oo walwalsan ayaa ku soo ururay meel u dhow meesha laga qodo macdanta, xilli dadka ku howlan badbaadinta ay bannaanka keenayaan dadkii dhintay iyo kuwa dhaawaca ah.

Mucaaradka oo eeday Erdogan

Ra’iisul wasaare Recep Tayyip Erdogan, ayaa sheegay, in dareenkiisa uu la jiro dadka ay saameysay musiibada.

Xisbiga ugu weyn mucaaradka Turkiga ee Republican People’s Party ayaa sheegay in dowladda ay qaadayso mas’uuliyadda waxa ay ku tilmaameen musiibada weyn ee ka dhacday goobta laga qodo macdanta ee Soma

Kooxaha gurmadka ayaa ku howlan si ay boqolaal qof oo dhulka hoostiisa ku xayiran u soo badbaadiyaan.

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.