Cabdilaahi Cukuse oo ka hadlay Guuldaradii Xisbiga Kulmiye ka soo Gaadhay Shir-guddoonka Wakiillada?

Hargeysa (Aftahannews) – La taaliyaha Madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka Cabdilaahi Maxmed Daahir Cukuse, ayaa waxaa uu ka hadlay Doorashadii maalintii shalay ahayd ay Xildhibaanada cusub ee golaha Wakiillada Somaliland ku doorteen shir-guddoonka.

Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, ayaa ka hadlay guuldaradii Xisbiga Kulmiye ka soo gaadhay shir-guddoonka golaha Wakiillada.

Cabdilaahi Cukuse, waxaa uu sidoo kale ka waramay marxaladihii kala duwanaa ee ay soo maareen guud ahaan doorashooyinka Somaliland.

Geesta kale, La taaliyaha Madaxweynaha ee arrimaha doorashooyinka Cabdilaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa baaq u diray Xisbiyadda Qaranka iyo guud ahaan shacabka Somaliland.