Madaxweynaha Somaliland oo xilka qaadis iyo magacaabis sameeyey

MADAXWEYNAHA SOMALILAND AXMED-SIILAANYO

Hargeysa(Aftahannews):- Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa maanta xilka ka qaaday Agaasimihii Wasaaradda Xannaanada Xoolaha Dr. Axmed Caga-weyne, waxaanu xilkaas u magacaabay Agaasime guud oo cusub.

Sidaa waxa lagu sheegay War-Saxaafadeed xambaarsan Digreetada Madaxweynuhu xilka qaadista iyo magacaabista ku sameeyey, waxaanu qoraalka war-saxaafadeedkaas oo nuqul ka mid ah Aftahannews helay u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siliaanyo, waxa uu digreeto Madaxweyne oo Sumadeedu tahay JSL/M/XERM/249-2493/052014 uu xilkii kaga qaaday Agaasimihii Guud ee Wasaaradda Xanaanada Xoolaha isla markaana waxa uu Madaxweynuhu wasaaraddaasi u magacaabay Agaasime Cusub.

MADAXWEYNUHU:-

Markuu Arkay:                     Qodobka 90aad, Faqradiisa 3aad, Xarafka (kh) ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Tixgeliyey:            Ahmiyadda ay Agaasimayaasha Guud ee Wasaaraduhu u leeyihiin dhismaha Qaranka;

Markuu Arkay:                     In baahi loo qabo buuxinta jagada Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee JSL;

Markuu La Tashaday:       Madaxda ay khusayso;

Markuu Ku Qancay:           In uu hanan karo, aqoon iyo kartina u leeyahay jagadan;

Wuxuu go’aansaday

In Dr. Jaamac Maxamed Odowaa, laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee Jamhuuriyadda Somaliland.

Xil-ka Qaadis

Ku:      Dr. Maxamed Axmed Maxamuud (Cagaweyne),

Agaasimihii Guud ee Hore ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha                 

Og:     Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha                                            

Mudane,

Waxa aan kuugu mahadinayaa muddadii aynu wada shaqaynaynay. Xilalka Qaranka ayey dabcigeed tahay in ay meerto noqoto oo kolba cid hanan karta loo dhiibo.

Sidaa darteed, waxaan gartay in aan kaa qaado xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee JSL.

Haddaba, waxaan kaa rajaynayaa in si niyad sami ah aad ugu wareejiso xilka aad haysay Dr. Jaamac Maxamed Odowaa, oo aan xilkaa isaga ah u magacaabay.

Sidoo kale, waxaa Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha, oo ay warqadani ogaysiin ugu socoto, la farayaa in uu labada masuul u kala wareejiyo xilka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xannaanada Xoolaha ee JSL.”

aftahaninc@mail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.