Xildhibaan Axmed Timo-jilic oo ka hadlay Doorashadii Shir-guddoonka Wakiillada iyo Guusha Isbahaysiga Mucaaradka

Hargeysa (Aftahannews) – Xildhibaan Axmed Cabdi Ibraahim oo ka mid ah Xildhibaanada cusub ee golaha Wakiillada Somaliland, ayaa waxaa uu ka hadlay doorashadii maanta ee golaha Wakiillada ee lagu doortay shir-guddoonka cusub.

Xildhibaan Axmed, ayaa sidoo kale ka hadlay guusha Isbahaysiga xisbiyada mucaaradka ee Ucid iyo Waddani ee shir-guddoonka Wakiillada.

Waxaanu xildhibaanka Axmed Cabdi Ibraahim sheegay in doorashadaasi ay ahayd mid guul weyn u soo hoysay labada xisbi mucaaradka.