Wasiirro Xukuumadda ka Tirsan oo Qiray in la Dayacay Mujaahidiinta Xorreeyey Dalka ee Dhimirka Wax ka Qaba

Xukuumadda KULMIYE oo afar sanno ka dib hadda xasuusatay dayaca mujaahidiinta ku waxyeeloobay baarruudii Somaliland lagu xorreeyey + dhalliilo loo jeediyey tujaarta dalka

Hargeysa(Aftahannews):- Wasiirro ka tirsan xukuumada Somaliland, ayaa qiray in la dayacay, lana duudsiyey xuquuqda mujaahidiinta taariikhda ku leh dalka, wax loo qabtayna aanay jirin, iyagoo ballanqaaday inay xukuumad ahaan taageero iyo daryeel u fidin doonaan naafadda SNM iyo mujaahidiinta xuskoodu dhiman yahay ee dalka u soo halgamay.

Wasiirrada Qorshaynta Md. Sacad Cali Shire, Diinta iyo Aw Qaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Amed, Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka Marwo Nicmo Qawdhan, Agaasimaha Samafalka Madaxtooyada Marwo Aamina Maxamuud Diiriye oo ka qaybgalay xaflad qadhaan loogu ururinayey mujaahidiinta dhimirka wax ka qaba oo lagu qabtay hudheelka Imperial ee magaalada Hargeysa maanta, ayaa tilmaamay in shacab ahaan iyo dawlad ahaanba la iloobay, lana dayacay mujaahidiinta tabaalaysan iyo qoysaskay ay ka tageen halgamayaashii xoreeyey Somaliland.

xuska mujaahidiintii SNM ee dhimirka

Wasiirka Diinta iyo Aw Qaafta Sheekh Khaliil Cabdillaahi Axmed oo halkaas ka hadlay, ayaa caddeeyey la gees maray xuquuqda mujaahidiinta taariikhda ku leh dalka Jamhuuriyadda Somaliland, lana dayacay caafimaad ahaan iyo daryeel ahaanba.

“Waxa innagu waajib ah shaki la’aan dadkaasi (mujahidiinta) waa dad xuquuqdooda in badan la gees-maray amma hawlihii faraha badnaa ee ina haystay ee dib-u-dhiska dalkan lagaga fikirayey in badan lagu illaaway, laakiin in aan la hilmaamin bay ahayd, balse hadday dhacday oo hadday hore inoo dhaaftay waa in aynu isu abaabulno oo munaasibadaha sidan oo kale ah la xoojiyo oo Ilaahay lagaga baqo dadka inagu dhex tabaalaysan ee runtii xuquuq badan oo la illaaway loo soo celiyo oo loogu dedaalo in caafimaadkooda iyo daryeelkooda laga hawlgalo, ee isu abaabushay ee isku dirtay waa inaynnu la shaqaynno oo is-garab taagno xukuumad, shacab iyo dadweynahaba,” ayuu yidhi Sheekh Khaliil.

Waxa kale oo uu soo jeediyey in wixii hadda ka dambeeya loo hawlgalo in wax la taro mujaahiidiinta SNM, gaar ahaan kuwa xuskoodu dhiman yahay, waxaannu yidhi; “Waxaannu xukuumad ahaan ballanqaadaynaa in aannu dadkaas u hawlgalno oo si shaqsi ah iyo si jamac ah iyo si dawladnimo looga wada hawlgalo oo dadka mudan ee ugu horreeya wixii la tari karo la taro. In badan baa laga gaabiyey, taasna waannu ka cudurdaaranaynaa.”

Wasiirka Qorshaynta Qaranka Dr. Sacad Cali Shire, ayaa carrabka ku adkeeyey in xorriyadda, nabadda iyo horumarka Somaliland ku yimi kumanaan geesi oo nafahooda u waayey iyo qaar u dhaawacmay.

“Gabigeennu waxaynu ku soo toosnay innagoo haysanna xorriyad buuxda, xorriyad siyaasi ah, xorriyad dhaqan ah, innagoo haysanna xuquuqal-insaankii qofka bani’aadamka ah Ilaahay ugu talogalay. Xorriyaddaas aynnu ku soo toosnay Ilaahay baa inoo gartay oo ina siiyey, laakiin cid baa sabab u ahayd, cid baa u soo halgantay, u soo dagaallantay, u soo dhimatay, u soo dhaawacantay, una dayacday danahoodii.

Waxa kale oo aynnu ku soo toosnay xisillooni, degenaansho iyo nidaam dawli ah. Kaalintiisa Ilaahay wuu ina siiyey, laakiin cid baa u soo halgamay, dad baa ka taliyey, dad baa iska kaashaday, dad baa isaga tanaasulay, dad baana habeen iyo maalin u soo jeeday.

Intii halganka u soo gashay amma ha ahaado kii dhaqdhaqaaqa amma ha ahaado mid siyaasi ahba amma ha ahaado ka bulshada waxay innaga mudan yihiin xus, mahadnaq. Halgan baa la soo galay, dhaawacyaa innaga soo gaadhay, dhimasha innaga soo gaadhay. Dhaawacyada waxa ka mid ah mid jidhka iyo maskaxda. Innagu haddaynnu reer Somaliland nahay wax badan oo aynnu ku wanaagsanahay baa jira. Maanta hareeraheenna dab aya ka wada holcaya. Innagu nabad baynnu nahay oo waa wax aynu dadka dheer nahay, laakiin waxyaabo la innagaga wanaagsan yahay baa jira, waxana ka mid ah xuska dadka taariikhdeenna ku suntan,” ayuu yidhi Wasiir Sacad Cali Shire.

Wasiir-ku-xigeenka Caafimaadka marwo Nimco Xuseen Qawdhan, ayaa sheegtay in haween ahaan ay ka qaybqataan wax-tarida iyo daryeelidda mujaahidiinta dhimirka wax ka qabta, waxaanay kaga dhawaaqday lacag dhan $1,000 doollar oo ay sheegtay inay ka timid muwaaddinad reer Somaliland ah oo deggan dalka Imaaraadka Carabta.

Agaasimaha Xafiiska Samafalka Madaxtooyada marwo Aamina Maxamuud Diiriye, ayaa ganacsatada Somaliland ku canaantay in ay ka gaabiyeen doorkoodii kaga aaddanaa daryeelidda mujaahidiinta, waxaanay halkaas kaga dhawaaqday lacag dhan $1000 doollar oo ay shaqsi ahaan ugu deeqday mujaahidiinta dhimirka wax ka qaba.

“Maaha in meelaha noocan ah la isugu yimaad oo loo baryootamo dadkii dalkan u soo halgamay oo baayac mushtarkoodii la yidhaa kaalaya. Daaraha dhaadheer ee magaalada Hargeysa ka muuqda, lugahaas go’an ee halkaas fadhiya ayey dhiiggoodii qabaan iyo intii dhimatay, in maanta bayac-mushtarkii intay xafladda iman wayaan, kana qaybqaadan wayaan qaadhaanka waa ayaan-darro, daarahooda dheedheerna barako yeelan maayaan,” ayey tidhi marwo Aamina.

Waa markii u horreysay ee wasiirro iyo masuuliyiin xukuumadda ka tirsan ku baraarugaan dayaca mujaahidiinta dhimirka wax ka qaba iyo qoyskaska ay ka geeriyoodeen dadkii u soo halgamay xorriyadda, kuwaasoo ballanqaaday inay xukuumad ahaan hadda wax la qaban doonaan.

Xigasho Jamhuuriya.