Xildhibaan Faratoon oo Qiray inuu Meel Adag Marayo Loollanka Shirguddoonka Wakiillada

Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon)
Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon)

Hargeysa (Aftahannews)- Xildhibaan Yasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ah xildhibaanka Xukuumadda iyo xisbigeeda Kulmiye u sharaxeen guddoomiyaha gollaha Wakiillada Somaliland, ayaa sheegay in xilligan loollanku marayo meel adag.

Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon)
Xildhibaan Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon)

Xildhibaan Yaasiin Faratoon, wuxuu sheegay inkasta oo tartanku marayo meel adag oo ay Isbahaysiga mucaaradka iyo xisbigooda Kulmiye isku dhow yihiin, balse uu filayo raja fiican.

“Tartanku wuu adagyahay, labada dhinacna (Isgahaysiga mucaaradka iyo muxaafidka), waxaad moodaa in ay isku dhow dhow yihiin oo hawshu ay adagtahay oo tartan adag ayaa socda, laakiin rajadaydu way fiicantahay. Sidaa waxa yidhi, Xildhibaan Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon) oo ka hadlayay hankiisa shirgddoonka gollaha wakiillada Somaliland iyo sida ay wax u socdaan.

Xildhibaan Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), wuxuuna sidaa ku sheegay mar uu Arbacadii maanta Telefishanka SAHAN, wax ka weydiiyay arrimaha loolanka shirguddoonka.

Dhinaca kale, Yaasiin Maxamuud Xiir oo la weydiiyay su’aalaha ay in baddan oo bulshada ka mid ah siyaasiyiinta dhaliilayaa usoo jeedinayaan ee la xidhiidha dooda ah in maadaama uu yahay “Xildhibaan Faratoon” nin da’a ah aannay ku haboonayn in uu maanta u cararo kursiga shirguddooonka.

Wuxuuna dooda caynkaas ah ku macneeyay mid aan sal ahayn, isagoo ku dooday in dad xagga da’ada ka weyn ama filkiisa ah ay baarlamaanada aduunka hoggaamiyaan, isagoo dhinaca kale tusaale usoo qaatay Madaxweynaha Dalka Maraykanka Jeo Biden oo uu sheegay inuu hoggaaminayo dalka aduunka ugu dhaqaallaha weyn, ugu quwada weyn, sidaa awgeed wuxuu dooda noocaas ah ku macneeyay mid ‘maangaabnimo.”

“Maxaan u nasanayaa, inta awooddayda ee aan karayo ee aan aqaan oo in baddan oo aan da’adaa gaadhin ayaan ku hoggaaminayaa” wuxuuna ku dooday in cimrigiisa uu Allah ugu mahadnaqayo, isla markaana aannay ahayn mid uu dhegaysanayo kuwa sidaa ku doodaya.

Xildhibaan Yaasiin Faratoon, wuxuu ku dooday in maadaama uu qarankan xilal kala dawn usoo qabtay, isla markaana uu leeyahay aqoonteeda aannu marnaba ka hadhayn rabitaankiisa uu ku doonayo inuu noqdo guddoomiyaha gollaha Wakiillada Somaliland ee cusub, wuxuuna, isagoo farriin u diraya mudanayaasha sheegay in haddii cid kale la doorto in ay taas ka dhigantahay in gollihii wakiillada la fadhiisiyay cidla, sidaa awgeed wuxuu ku dooday in ay doortaan xildhibaandu.