Wakiil Ku-xigeenka Somaliland ee Itoobiya oo ka Jawaabay Eedayntii Xildhibaan Mustafe

Wakiil ku xigeenka Somaliland ee Itoobiya, Barkhad Maxamuud Kaariye
Wakiil ku xigeenka Somaliland ee Itoobiya, Barkhad Maxamuud Kaariye

Hargeysa (Aftahannews) – Wakiil ku xigeenka Somaliland ee dalka Itoobiya Barkhad Maxamuud Kaariye, ayaa waxba kama jiraan ku tilmamay eedaynta xildhibaan Mustafe Axmed Cabdillahi ee ahayd in xukuumada Somaliland isku dayday in ay ku afduubto gudaha dalka Itoobiya iyadoo u soo dhexmaraysa xafiiska Somaliland ee Itoobiya.

Wakiil ku xigeenka Somaliland ee Itoobiya, Barkhad Maxamuud Kaariye
Wakiil ku xigeenka Somaliland ee Itoobiya, Barkhad Maxamuud Kaariye

Wakiil ku xigeenka, ayaa sheegay in aanay ka xafiis ahaan waxba kala socon afduubka uu ka cabanayo xildhibaan Mustafe ee uu sheegay in xukuumada Somaliland isku dayday in ay ku qafaalato Addis ababa.

Wuxuu wakiil ku xigeenku sheegay in hadii ay dacwadaasi soo gaadhi lahayd xafiiskooda ay talaabo ka qaadi lahayee dhacdada isla markaana ay maamuusi lahayeen xildhibaanka.

Xildhibaan Mustafe oo ka tirsan xisbiga Kulmiye isla markaana xalay sheegay in uu ku biiray isbahaysiga mucaaradka, ayaa ku andacooday in xukuumada Somaliland isku dayday  in ay ku afduubto Addis ababa iyadoo usoo dhexmaraysa xafiiska Somaliland ee Itoobiya isla markaana isticmaalaysa sirdoonka Itoobiya.