UK iyo Kenya oo kala Saxeexday Heshiis ka dhan ah Al-Shabaab

UK IYO KENYA
UK IYO KENYA

London (Aftahannews) – Boqortooyada Ingiriiska, ayaa xoojineysa ka hortaga argagixisada iyo taageerada milateri ee ay siineyso Kenya iyadoo labada dal ay kala saxeexdeen heshiis cusub oo iskaashi dhanka difaaca ah oo shan sano ah.

UK IYO KENYA
UK IYO KENYA

Xoghayaha gaashaandhigga UK, Ben Wallace iyo xoghayaha gaashaandhigga Kenya, Dr Monica Juma, ayaa kala saxeeday heshiiska intii ay ku guda jirtay booqashadeeda London maalintii shalay.

Heshiiska, ayaa u suurta gelinaya labada dal inay sare u qaadaan iskuduwida dadaalkooda wadajirka ah ee lagu hormarinayo amniga gobolka Bariga Afrika, oo ay ku jiraan la dagaalanka kooxda Al-Shabaab.

Ciidamada Ingiriiska waxay gacan ka geystaan tababarida in ka badan 1,100 oo askari oo Kenyan ah sanad walba ka hor inta aan loo dirin howlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM) si ay ula dagaallamaan Al-Shabaab.

Saxeexa heshiiska wuxuu yimid lix bilood ka dib markii labada xoghaye difaaca ay ku kulmeen Nairobi, iyagoo ku gaaray heshiis cusub oo oo xoojinaya wax ka qabashada Al-Shabaab iyo khataraha kale ee la wadaago sida dambiyada internetka iyo tahriibinta dadka.